Akhriso:-Qodobo Kasoo Baxay Shirka Golaha Amniga Jubbaland

Kismaayo[Puntland Post]-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maanta shir gudoomiyay kullanka golaha amniga Jubbaland.

Kulankan oo ah mid dhowrkii biloodba mar la qabto waxaa maanta ka qayb galay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira iyo masuuliyiin kale oo kasocday howlgalka AMISOM.

Danjire Francisco Madeira ayaa Jubbaland ku amaanay sida ay uga go’an tahay xasiloonida iyo nabadaynta Soomaaliya iyadoo ay door muuqda kaga jirto dhismaha hanaanka nabadgalyo iyo hormar ee guud ahaan wadanka.
                  DHAMAAD
Cabdiqani Boos 
Puntland Post