Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo lagu soo dhaweeyey Magaalada Dhahar

Dhahar-[Puntland Post]-Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Dowladda Puntland 8-da Janaayo 2019 ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Degmada Dhahar ee Gobolka Heyland, waxaana soodhaweyntiisa ka qeybgalay Bulshada Magaalada Dhahar oo si weyn u muujiyey taageerada iyo garab is taaga ay u hayaan Musharax Siciid Deni.

Nabadoon Maxamuud Maxamed Saalax oo ka yimid Degmada Xiingalool ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo Musharrax Siciid Deni “Marka hore si niyad leh ayaa kuu soo dhaweynay, waxaa Alla kaaga baryeenaa in uu Xilkaan kuugu guuleeyo, si fiican ayaa loo yaqaanaa waxqabadkaaga, maanta waxaad joogtaa waqtigii ku haboonaa oo aad Puntland Hogaamin laheyd”……

Faadumo Maxamuud Yuusuf oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Heyland oo ka hadashay soo dhaweynta Musharax Siciid Deni ayaa Sheegtay…. “Mudane ku soo dhawoow Gobolka Heyland Magaalada Dhahar, dareen Shacabnimo ayaa kuugu soo dhaweenay, Taageeero buuxdo ayaa ku siinay, Waxaa dooneynaa Albaabka Madaxtooyada in aan cid ku yeelano, dadka wey garanayaan in aad tahay Musharaxa ugu roon, Xildhibaanada waxaa leenahay Codkiina siiya”

Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahad celiyay dadweynihii kusoo dhoweeyay degmada Dhahar “Marka hore waxaa u Mahadcelinayaa Maamulka Gobolka, kan Degmada,iyo dhammaan qeybaha Bulshada si wacan oo ay ii soo dhaweeyseen, Heylaand waxa ay mudantahay waan garanayaa waxbadan oo aad tabeysaan nin yaqaano ayaa ahay”….

“Aniga Dhagax been ah ma dhigayo laakiin Dalkaan waxbaan ka qabanayaa aniga oo ku talagaleyno waxa aan heysano, Fariinta aad ii dhiibteen sida ay tahay ayaa u qaatay waxaana noqon doonaa mid ka soo baxa”…

Musharax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan iskugu jiray Salaaan iyo Xog wareysi la yeeshay Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan oo ay ka wada hadleen marxaladaha Puntland iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa Doorashada.

Musharaxa iyo Suldaanka oo yeeshay wada hadalada ka dib ayaa Musharaxu wuxuu kulamo layeeshay Cuqaasha dhaqanka,Dhalinyaradda iyo Haweenka oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka nagu soo wajahan.

Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni waa Musharraxa ugu sameynta badan waxaana taasi keenay Jiilka ka aflaxay Himilooyinka uu dajiyey ayaa jooga meel walbo oo tago.

Cabdiqani Boos

Puntland Post