Shirkadaha Tawfiiq iyo Waabari Group oo abaalmarino gudoonsiiyay Macamiishooda

Bosaso-[Puntland Post ]Shirkadaha  Tawfiiq iyo Waabari Group  ayaa macaamiishooda waxa ay gudoonsiisay abaalmarino kala duwan oo iskugu jira gawaari,alaabta guryaha labtono iyo hadyado kale .

Munasabada abaalmarinahan lagu gudoonsiinayay ayaa lagu qabtaya Magaalada Bosaso ee Xarunta gobalka Bari waxana ka qeyb galay gudoomiye ku-xigeenka Rugta ganacsiga Puntland Madaxda shirkada Tawfiiq iyo Waabari, Group iyo ganacsato munasabada lagu casuumay.

Maamulaha Shirkada Tawfiiq ee qeybta Puntland Maxamed Daahir Faarax oo ugu horan ka hadlay goobta ayaa sheegay in abaalmarintan ay uga dan leeyihiin sidii ay macaamiishooda ay u dhiiri galin lahayen .

Sanadkiiba mar ayan qabana abaalmarintan waxana ay naga tahay dhiiri galin iyo in aanu bulshada tusno sidii aanu markasta diyaarka ugu nahay soo dhaweyntooda .
waxan u mahad celinayna ganacsatada dadaalka ku bixiyay sidii ay abaalmarintan u qaadan lahaa .

waxay noo tahay Farxad wana sii wadi doona abaalmarinaha noocan oo kale ah insha allah” sidaas waxa yiri Maamulaha shirkada Tawfiiq ee Puntland Maxamed Daahir Faarax.

Gudoomiyaha Shirkada Waabari Group oo ka mid ah shirkadaha ay baha wadagta yihiin Tawfiiq oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay tani tahay niyad wanag ay u muujinayaan ganacsatada ku xiran badeecadooda islamarkan ay ku faraxsan yihiin dadaalka ay ganacsatadu wado.

Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Puntland Maxamed Cabdi Waabari oo ugu danbatiin goobta ka hadlaya ayaa madaxda shirkada Tawfiqiq ku amaanay sida ay markasta macamiishooda y diyarka ugu yihiin islamarkan ay ku dhiiri galiyaan.

ugu danbantii ayaa waxa munsabada lagu doonsiiyay abaalmarino kala duwan macaamiishii ku xirnayd badeecadoda .