Camey oo markale weerar afka ah ku qaaday Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada

Garowe[Puntland Post] Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa Madasha Iskaasgiga dowlad goboleedyada ay ku midaysan yihiin ku eedeeyay in ay si weyn uga soo horjeedaan in Soomaaliya noqoto mid kaliya taa badalkeedana ay doonayaan Soomaliya kala quban waa sida uu hadalka u dhigaye .

Madaxweyne ku xigeenka  oo wareysi gaara siiyay SBS TV ayaa sheegay in Golaha Iskaashiga ay sii dhamaanayaan, maadaama ay ka baxeen xubno badan oo ka tirsan maamulada sidda Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed inta hadhayna ay xiligan doorasho ku soo wajahan tahay.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa gacan saar la leh madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo mar horana ka horyimid shirar ay yeesheen Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda ayaa wali shaqeeya, waxaana hadda Gudoomiye ka ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Golaha ayaa hadda waxa kusoo haray saddex dowlad goboleed oo kala ah Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post