Musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyey Qardho

Qardho-[Puntland Post]-Boqolaal ka mid ah Taageerayaasha Musharax Siciid Cabdullaahi Deni  ayaa maanta si weyn ugu soo dhaweeyey  Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar, waxaana soo dhaweyntiisa ka qeybgalay isimada, Nabadoonada,Siyaasiyiinta,Ururada Haweenka,Ururada Bulshada, iyo waxgarad kala duwan.

Musharaxa ayaa loogu hortagay meel ka  baxsan Magaalada waxaana lagu soo galbiyey Fardo si gaar ah loogu talagalay soo dhaweynta Musharaxa.

Musharax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Khudbad kooban u jeediyey Boqolaal qof oo sidoo kale isugu soo baxay Banaanka hoolka Beeyada Magaalada Qardho, waxaana dhammaan dadka soo dhaweeyey ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin Musharax Siciid Cabdullaahi Deni.

Nabadoon Maxamed Aadan Cali (Xangaag) oo ka hadlay soo dhaweynta Musharax Siciid Deni ayaa Sheegay in uu ku faraxsanyahay soo dhaweynta Musharaxa, waxa uuna Sheegay in Musharax Deni yahay Shaqsi saameyn ku leh Bulshada oo aad loo yaqaano.

Musharax Siciid Deni ayaa ka Mahadceliyey sida weyn ee loo soo dhaweeyey “Aad ayaa ugu faraxsanahay sida la iigu soo dhaweeyey Magaalada Qardho, Saaka halkaan waxaan si Nabadgalyo ah isku weydaaranay Madaxweynaha hadda ee Puntland, Insha’allaah Madaxtooyadana sidaas oo kale ayaan isku weydaaran doonaa si nabad ah” ……..

Soo dhaweynta maanta oo aheyd mid saameyn leh ayaa waxaa cad in Musharax Siciid Deni yahay Musharaxa kaliya ee illaa iyo hadda heysta Taageerada Dhammaan Reer Puntland.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post