Faahfaahin -qaraxyo saaka ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacayo-[Puntland Post] Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan qaraxyo saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Labo qarax oo waaweyn ayaa ka dhacay xarunta Cabdiweli Cali Cilmi Yare oo ku taalla Koonfurta magaaladasi

Qaraxyadda ka dib dabley hubeysan ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen xarunta ,halkaasna ay ku laayeen dadkii ku sugnaa.

Dad badan oo isugu jira shacab iyo xertii wadaadka ayaa la xaqiijiyay in ay halkaasi ku dhinteen, waxaana ugu dambeyntii weerarkaasi soo afjaray ciidanka Galmudug.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxyaddaasi lagu dilay Cabdiweli Cali Cilmi.

Dhanka kale war ka soo baxay  Al-shabaab ayey ku sheegteen in ay iyagu ka danbeeyen weerarkasi waxana sida oo kale ay qoraalkooda ku cadeeyen in uu geeryooday wadadkii xaruntaasi haystay.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post