Musharax Siciid Deni “Puntland Isbadal dhab ah ayay u baahan-tahay

Bosaso[Puntland Post]-Musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo u taagan xilka Madaxweynaha Dawladda Puntland doorashada 8 Janaayo 2019, kana mid ah musharaxiinta ugu cad-cad ayaa hadal dheer ka jeediyey kulanka Deni iyo Dadweynaha Boosaaso oo ay ka soo qeybgaleen haldoorka iyo Shacabka Magaalada Boosaaso, Musharaxa ayaa ka hadlay marxaladaha ay maanta kusugan tahay Puntland-ta 20 sanno jirsatay.

Dhammaan Mas’uuliyiinta ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay ku kalsoonyihiin Hoggaaminta Musharax Siciid Deni oo wax badan u qabtay Shacabka Puntland xilli ay adkeyd in qof walbo ka soo baxo kaalintiisa, halka qaar kamid ah dadka u ordaya Hoggaaminta Puntland  ay ahaayeen kuwa naftooda iyo maalkoodaba kala cararay dalka waqtigii adkaa.

Musharax Siciid Deni ayaa soo qaaday dil-dilaaca loo geystay midnimada Puntland, wuxuuna canbaareeyey booqashada Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi ku yimi gobalka Sool oo kamid ah dhulka Puntland ee la haysto “Waxyaabaha foolxumada ku ah Puntland waxaa kamid ah in Muuse Biixi oo calan cas ah oo SNM ah uu maalin walba kusoo ordayo deegaano aysan dadkiisu degan xukumin-na, waana uga digaynaa arrintaas, Hadaad SNM ahayd, halkaan SSDF, USP rag ah ayaa jooga ninkii wanaag diida dadkaan jawaab adag ayay ka bixinayaan, Midnimada Puntland waa mid dastuuri ah, cidna si gaar ah cid kale heshiis ulama gali karto”

Musharax Deni ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu hanaanka dawladnimada ka leexiyey Wadadii ay ku socotay “Dawlad nimada aan dooneyno waa Dowladnimadii aan ku heshiinay,cidii ka weecisay wadadii ay laheyd waa lala xisaabtamayaa, Madaxweyne Gaas Wadadii ay Puntland ku socotay waa uu ka leexiyey Magaalooyinka  waa weynaa Cabsi ayaa lala joogi la’yahay”..

Musharaxu wuxuu sheegay in Xukuumadda Gaas ay ku fashilantay sugida Amniga gudaha iyo kan difaaca, magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso ay dadweynihii oo dhan cabsanayaan, sidaas oo kale wuxuu nasiib darro musharaxu ku sifeeyey in caasumadii Puntland oo ah muraayadda Puntland loo soo raro waxa loogu yeeray Xasilinta caasumadda oo Muqdisho lagu yaqaanay, meelna looga dhacayo sharafta Puntland.

Musharaxa ayaa ku dhaliilay Cabdiweli Gaas in uu ku fashilmay Mashaariicda Horumarinta Puntland “Hal mashruuc oo taabo galay oo laga hirgaliyey ma jiro Puntland, Airporada Garoowe iyo Boosaaso diyaar bay ahaayeen waa lagu wareejiyey uun, inta uu Madaxweyne Gaas talada hayey 5-tii Sano ee dhamaatay, waxaa nasiib daro ah Mashruucii qiimaha badnaa ee lagu dhisi laha Wadada Garoowe iyo Gaalkacyo in uu fashilmay lana Og-yahay wixii ka dhacay, Maanta ma mudno in Puntland lagu sii hogaamiyo wadadii ay soo martay”….

Musharax Deni ayaa ugu baaqay Isimadda Puntland in ay maanta taladdu la taalo oo ay gacanta ku hayaan masiirka Ummadda, loogana baahan yahay in ay xooga saaraan sidii loogu xuli lahaa Xildhibaano Mas’uliyad qaadi kara, oo xaaladda si dhaw ula socdo, kana badbaadiya Puntland marxaladaha ay kusugan tahay.

Musharax Siciid Deni ayaa sheegay in xilligaan la joogo waqtigii Isbadalka “Puntland Isbadal dhab ah ayay u baahantahay,  Ma’ahan meel loo soo shaqo tago, waa meel loo shaqeeyo, Midnimada Puntland waa lama taabtaan cidna gorgortan kama gali karto, lamana kala qeybin karro Shacabka Puntland wada dhistay”…….

Musharax Madaxweyne Siciid Deni ayaa soo dhaweeyey Dhismaha Dekada Garad oo sheegay in ay u istaageen Dhismaheeda Shacabka Puntland,Xukuumadda hada jirtana aysan wax gacan ah ka geysan,waxa uuna ballan qaaday in Mashaariic taaba gala in ay Puntland ka hirgalin doono haddii uu guuleysto.

Musharax Siciid Deni ayaa Sheegay in dhalinyaradda loo sameyn doono Siyaasad cad oo lagu yareenayo Shaqo la’aanta “Dhalinyarada Puntland Dalxiis wey u aadi karaan Gobolada Dalka, Laakiin Rajo xumo iyo niyad beel in ay Puntland ugu tagaan ma dhici doonto,waxaa sameyn doonaa Siyaasad cad oo lagu hagayo dhalinyaradda oo xoogga lagu saari doonaa baahiyaha ay qabaan”

Musharax Siciid Deni ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta iyo Taageerada ay u muujiyeen Shacabka Magaalada Bosaso oo ku tilmaamay in ay yihiin dad diyaar u ah Dowladnimo iyo Nidaam ka hirgala mandiqada Puntland.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso