Jubbaland oo ka hadashay Nabadoon lagu dilay Degmada Baledxaawo

Kismaayo-[Puntland Post]-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha Wasiirada.

Ugu horayn waxaa golahu uu ka tacsiyeeyay geerida ku timid Nabadoon Dhaqane Qaasim Aamin oo lagu dilay Degmada Beledxaawo iyadoo Hay’adaha amaanka la faray in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan sida uu dilku u dhacay lana soo qabto kuwii ka danbeeyay.

Wasaarada qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa soo bandhigtay shirar kala duwan oo ay ku qabatay Magaalada Kismaayo iyo kulamo ay la yeelatay masuuliyiin kasocday hay’ado kala duwan oo caalami ah.

Wasaarada Caafimaadkuna waxaa ay soo bandhigtay in faafida xanuunka qaaxada uu dhibaato ku hayo meelaha qaar isla markana daawooyinka laga bixiyo xarumaha gaarka loo leeyahay aysan ahayn kuwo tayo ahaan wanaagsan iyadoo soo bandhigtay hanaan wax lagaga qabanayo dhibaatadaas.

Wasaarada howlaha guudna waxay ka warbixisay hanaanka dhul bixinta oo si dardar leh ku socda iyadoo sharciyaynta dhulalka iyo soo afjarista muranada dhulku ay meel wanaagsan marayaan.

DHAMAAD

Cabdiqani Boos

Puntland Post