Duufaan ku dhufatay gobollo ku yaala dalka Australia

Australia[Puntland Post] Duufaanno xoogan ayaa ku dhuftay dalka Australia ,kuwaas oo midabkii cirka ka dhigay Jaale, isla markaana kor u qaaday wallaaca laga qabo tayada hawada.

Waxa madaxda dalkaasi ay soo saaray digniin ku saabsan xagga caafimaadka kuwaas oo loo jeedinaayo dadka ku sugan magaalada Sydney iyo kuwo kale ee aysan soo gaarin duufaantani.

Gobollo badan oo ay ku jirto koonfurta Wales ,waxaa liita muuqaalka deegaanka ee ay saameeyeen dabeylaha wada boorka, waxaana la sheegaya in duufaantasi ay riixayaan dabeylo qallallan oo wata carro.

Laga soo bilaabo bishii Agoosto dhibaatada waxaa sii kordhinaya abaaro saameeyay gobollo badan sida woqooyiga ,koonfurta iyo galbeedka.

Saraakiil xaggga caafimaadka ah ayaa dadka ku boorinaya in ay joogaan guryahooda,gaar ahaa caruurta,dadka da’da ah iyo kuwa ay dhibaatadu ka heyso dhinaca neefsashada.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post