Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan oo laga dalbaday in uu Baneeyo Xilka

Puntland Post-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee waddanka Sucuudi Carabiya, Caadil al-Jubayri ayaa sheegay in xad lama dhaafaan ah ay tahay in su’aal la galiyo ama la dhaleeceeyo hoggaanka boqortooyada, taas oo ay ka mid tahay baaqyada ah in la badelo Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan.

Wareysi ay BBC-du kula yeelatay magaalada Riyaad ayuu ku celceliyay in Amiirka dhaxalsugaha ah uusan wax lug ah ku lahayn dilkii weriyaha Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji oo 2-dii bishii hore lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Hadalka wasiirka ayaa yimid maalin un kadib, markii aqalka kongareeska ee dalka Mareykanku uu amray in baaritaan lagu sameeyo dowrkii uu Amiirka ku lahaa dilka weriyaha, taas oo ay ka dhalatay caro caalami ah.

Wasiirka ayaa mar wax laga weydiiyay tallaabo laga qaado dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan haddii lagu helo falkaasi waxaa uu sheegay in marnaba taasi aysan aqbali doonin dowladda Sacuudiga.

Inkastoo Dowladda Sucuudiga lacag dhan balaayiin doolaar ah ku maalgelisay dalka Mareykanka ayaa hadana madaxweyne Trump waxa uu qiray in dhaxal suge Maxamed bin Salmaan “ay suuragal tahay inuu si wanaagsan” u ogaa dilka Khaashuqji.

Hay’adda sirdoonka ee dalka Mareykanka ee CIA -da ayaa baaritaan ay sameesay waxaa ay ku sheegtay in Maxamed Bin Salmaan uu ku lug lahaa dilka weriye Jamaal Khashoggi, balse wasiirka ayaa dilka weriyahaasi ku edeeyay kooxo sirdoon oo aan damiir lahayn, isagoo na dowladda Turkiga ku booriyay inay soo bandhigto cadeymo dheeraad ah, ayna joojiso xogta ay dusineyso.

Madaxweyne Trump oo u muuqda inay ka go’antahay sidii uu u difaaci lahaa danaha ka dhaxeeya Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa waxaa uu sheegay in Mareykanka uu saaxiib dhaw la yahay Sacuudiga, taasi na laga eegayo danaha Mareykanka iyo Isra’iil ee ku aadan Sacuudiga, waxaana uu intaa ku daray in toddobaadka dambe uu shirka G20 ee ka dhici doonaa dalka Argentina uu kula kulmi doonaa ninka lagu tuhmayo inuu amray dilka Khashoggi.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post