Degmada Ceel Afweyn oo Xalay dagaal ku dhexmary Ciidamo u wato Korneyl Caare iyo ciidamo ka tirsan Soomaliland.

Ceel-Afweyn-[Puntland Post]-Wararka Warbaahinta Puntland Post ka soo gaadhay  Magaalada Ceel Afweyn waxaa ay sheegayaan in Ciidamo uu wato Korneyl Caare ay xalay weerar ku soo qaadeen Saldhig Ciidan oo ku yaala Magaalada Ceel Afweyn  isla markaana ay ku sugan yahiin ciidamada ka tirsan Soomliland .

Puntland Post oo la hadashay mid ka mid ah dadka deegaankasi waxa uu u sheegaya in Korneyl Caare uu ku amray ciidamada saldhiga joogay in ay hubka dhigaan islamarkaasna ay saf galaan sidaasn uu hubkii uga uruursaday.

Wararka ayaa  intaas ku daraya in marki danbe ay rasaas is weydaarsadeen Ciidankaa Jabhada Caare iyo ciidan saldhiga ka maqnaa oo mardanbe iyagu goobta soo gaadhay.
Arintan ayaa waxaa ay ku soo beegantay xili ay degmada Ceel-Afweyn ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Maamulka Soomaliland kuwaas oo la sheegay inay gogol xaadh ay u yahiin Madaxweyne Muuse Biixe Cabdi oo la filaayo inuu Ceel Afweyn Gaadho.

Ilaa hada ma jir wax  war  ah oo ka soo baxay dhinaca Soomaliland

Cabdiqani Boos 

Puntland Post