Doorashada Koonfur Galbeed oo dib u dhacday

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in dib ay u dhacday doorashada madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed oo lagu waday in halkaasi maanta ay ka dhacdo.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in doorashada aanay qabsoomeeynin maanta oo Sabti ah oo ku beegan 17-November oo aheyd xiligii loo balansanaa in ay dhacdo.

Sababaha ugu weeyn ee doorashada ay dib ugu dhacday ayaa lagu sheegay in ay tahay is casilaada xubnihii guddiga doorashooyinka ee is casilay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in maanta lagu wado in dib la magacaabo guddiga doorashooyinka maamulkaasi islamarkaasina ay ansixiyaan xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Dib u dhaca doorashada maanta ku timid wali kama hadlin sii hayaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Dib u dhaca doorashada Koonfur galbeed ayaa aheyd mid horay loo sii saadaalinayay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post