Baalamaanka Soomaaliya oo la horgeynayo miisaaniyada Dowlada

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan xasaasi ah maanta ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulankaasi ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya lagu horgeynayaa miisaaniyada Dowlada Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wargaliyay in uu jiro kulanka Baarlamaanka ee maanta oo Sabti ah islaamrkaasina Xildhibaanada lagu horgeeynayo miisaaniyada dowlada ee Sanadka 2019-ka.

Wasiirka maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ayaa hortagaya Baarlamaanka isaga oo ka codsanaya in ay ansixiyaan miisaaniyada Dowlada.

Koror miisaaniyada ah ayeey sameeyay xukuumada uu hogaamiyo Ra’isilwasaare Xasan Cali Kheyre iyada oo miisaaniyadaasi ay dowlada ku shaqeeyneeyso uu yahay $340,060149 oo ay horay u ansixiyeen Golaha wasiirada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho