Muxuu Haysom kala hadli doona Gaas?

Wefdi ay hoggaaminayam wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom oo uu wehliyay Danjiraha Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya,Francisco Madiera ayaa Khamiista berri ah ee ku beegan 1 November ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Garoowe ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in socdaalka wefdiga Beesha Caalamku ay Garoowe ku imaanayan uu salka ku hayo xal u helidda khilaafka u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo golaha iskaashiga dowlad goboledyada.

Wefdiga ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin la qaadan doona madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa xukuumadda,waxaana inta badan kulankaasi diiradda lagu saaraya xal u helista khilaafka Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada.

Sidoo kale qodobada la isla’ soo qaadi doono ayaa waxaa kamid ah arrimaha doorashooyinka ku soo wajahan Puntland,xidhiidhka Puntland iyo Beesha Caalamka iyo qodoba kale.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar