Hoggaanka Soomaalida: Sidaad isu Doorataan ayaad isu Doorisaan – Qaybtii koobaad

Waxaa la yiraahdaa hoggaamintu waa waxa loogu hadal haynta badan yahay hadana loogu fahanka daran yahay, maxaa yeelay waxay si mug leh xiriir ula leedahay masiirka aadanaha.
Siday doontaba ha ahaatee mid ka mida kuwa ugu wanaagsan ee lagu qeexo hoggaaminta ayaa ah inay tahay saamayn ama influence uu hoggaamiyuhu ku yeesho la hoggaamiyaha.

Hoggaamiyuhu waa cid walba oo awood u leh inay kaa raarido ama kaa dhaadhiciso hadaf mucayana oo la hiigsanayo, deedna kugu hoggaamisa hilinka ugu wanaagsan ee looga mira dhalin karo hadaf kaas. Hadaynu si kale u dhignana waa cid walba oo ku saamaysa kaana dhaadhicisa afkaartooda deedna kugu jihaysa hilinkaas.
Haddaba si ay saamaynta hoggaamiyuhu maxsuul wanaagsan u dhasho waa in hoggaamiyuhu ahaadaa aftahan balaaqo leh gudbina kara fariinta uu xambaarsan yahay. Waana inuu yahay burjiile( charismatic) wax soo jiidan kara iyo bulshay dad la dhaqan leh oo isku wadi kara qaybaha kala duwan ee ay ka koobnaan doonto bulshada uu hoggaamin doono.

Hoggaamiye walba oo wax saameeyaayi wuxuu kasbadaa la hoggaamiyayaal raciyad u noqda, la hoggaamiyayaashu inta badan ma eegaan darajada hoggaamineed ee uu leeyahay hoggaamiyuhu mana tixgaliyaan aqoontiisa iyo nasabka uu ka soo jeedo toona ee waxay mar walba isha ku hayaan afcaashiisa, akhlaaqdiisa, amaanadiisa, kartidiisa iyo go’aan qaadashadiisa.

Hoggaamiyaha looma shardiyo inuu ahaado mid leh aqoon sare, muhiimna maahan inuu wato shahaado sare laakiin taas badalkeeda waxaa lagama maarmaana inuu noqdo waayo arag leh garaad sare.
John Maxwell oo ah mid ka mida ruug cadaayada ugu waawayn ee cilmigaan looga dambeeyo waxa uu yiraahdaa waxaa jira afar khuraafo oo dadku ku khaldamaan marka laga hadlayo hoggaaminta waxaana ugu horeeya aqoonta. Wuxuu yiri aqoonyahan waliba hoggaamiye ma noqdo. Darajo iyo awood kasta oo aad ku hesho xil laguu dhiibay ama laguu doortayna hoggaamiye kuma noqotid ee doorashada ama magacaabistu waa albaabka ugu horeeya ee uu imtixaanku kaaaga bilowdo.

SOOMAALIDII HORE IYO HAGGAAMINTA

Soomaalidii hore si wanaagsan ayay u fahan sanaayeen nuxurka ay hoggaamintu u lahayd nolashooda, si fiican ayayna u garowsanaayeen hoggaamini inaysa marnaba saamayn (influence) ka soo harin.
Sidaas daraadeed waxay dooran jireen hoggaamiyayaal ku haboon daruuftooda.

Hogaamiye dhaqameed
In kasta oo hoggaamiye dhaqameedku ahaa madaxa ugu sareeya ee ay beelwayntu lahayd uuna ahaa marjaca ugu dambeeya ee loo noqdo iyo guddoon ridaha beesha haddana mid walba oo kamida waxaa lagu dooran jirey sifo isaga u gooniya oo uu wax ku saameeyo. Tusaale ahaan Garaad waxaa lagu dooran jirey tuhun lagu tuhmayo inuu leeyahay xikmad iyo abwaanimo uu wax ku kala dareerin karo kolka ay xaajadu adkaato.

Islaan, Iimaan, Beeldaaje iyo malaaqna waxaa lagu dooran jirey karaamo iyo duco la rajeynayey inay reeraha ugu kaalmayn doonaan. Boqor oo ah maro dhexda lagu xiran jirey astaana u ahayd cid haysata mood magaalo iyo maal miyi labadaba xilli ayba yarayd cid dhar qaadan jirtay, ayay u badan tahay in lagu dooran jirey haysashada uu haystey hanti ama xoolo uu wax ku maareeyo kolka loo baahdo. Ugaas oo sida ka muuqata dhismaha erayga ay ku jirto magaca gaas oo ah cutub ciidana ayaa waxaa laga yaaba in lagu dooran jirey khibradda iyo waaya aragnimadiisa dagaal ee uu lahaa. Magacyadani waxay si waafiya inoogu sheegayaan in soomaalidii hore ay aad ugu xeel dheerayd qaab xulashada hoggaanka.

Indheer-Garad
Sidoo kalena waxaa jirey hoggaamiyayaal indheer-garada oo iyaguna talada wax ku lahaa waxa kaliya ee ay martabadaas ku gaareena ay ahay sida fudud ee ay bulshada u saamayn jireen. Waxayna ahaayeen gabyaagii iyo suugaanleydii soomaaliyeed oo mid waliba oo ka midihi beeshiisa afhayeenka u ahaa. Waxay awood u lahaayeen inay huriyaan colaad farha looga gubto ama ay ka hor tagaan kuwo soo fool leh. Salaan Carabeey iyo tixdiisii caanka ahayd ee War tolow colka jooja ee uu ku kala dareeriyay laba beelood oo qarka u saarnaa dagaal lagu halaagsamo ayaa tusaale wanaagsana. “kolkii cuurar dhintaanoo cutub wayni cidlaataa lays canaanan hadhowe war tolow colka jooja”

Dhanka kalana Faarax Nuur oo ahaa gabyaa aragti dheer iyo hoggaamiye gunnima diida kana gilgishay caddaalad daro muddo dheer reerkiisu qabeen ayaa waxa ugu weyn ee uu reerihiisa gobanimada ku gaarsiiyey ay ahayd saamayntii uu gabaygiisu ku yeeshay. Isaga oo canaananaya si ay u hoggaansamaana waa kii lahaa “haddaan Arab sidaas yeela iyo waano kala quustay, sow inaan dantay waarriyaa igu wanaag maahan” Kolkii uu ku furay kobtii uu la rabayna waa kii uga tagay dardaarankiisii caanka noqday ee ahaa “lix meeshaad ku joogtaan dagaal laabta ka ogaaada, haddii luqunta laydin ka jaro lugaha meermeersha”.

HOGAANKII XORNIMADA DHALIYEY

Dhalinyaradii soomaaliyeed ee xornimada dhaliyey laga soo bilaabo aasaasayaashii xisbigii leegada illaa hurmoodkii dawladnimada waxay ahaa yeen dhalin ay koobnayd aqoontooda maadigaa haddana waxay unkeen oo dhidibada u taageen qaran dhan oo dhismay. Waxayna sidoo kale amaamudeen dawlad gaamurtay oo tusaale laga dhigan jiray xilligeedii. Waxay soo saareen hoggaamiyayaal ku caan baxay karti iyo hufnaan sidii raysal wasaare Cabdirsaaq Xaaji Xuseen ama kuwa kale oo loo qiray dulqaad iyo daacadnimo sidii madaxwayne Aadan Cabdulle Cusmaan. Maysan ahayn aqoon yahanno shahaadooyin waa wayn sita oo inyar-garada, ee waxay ahaayeen caqli-yahano indheer-garada oo ku gaashaaman waayo-aragnimo, han, hufnaan, karti, amaano, sariigasho, akhlaaq, hawl-karrnimo, af-tahannimo, daacadnimo, iyo dulqaad.

Haddii aad doonayso inaad xaqiiqsato taariikhdii hoggaannimo ee ay lahaayeen raggaas aynu kor ku xusnay iyo sidii loo arkayey xilligii ay talinayeen
Gaar ahaan aragtidii ay ka qabeen dawladihii shisheeye ee ay la macaamilayeen kolkii ay talada hayeen, ha ahaadeen kuwo waawayn iyo kuwo yar yarba’e, akhri kitaabka Africa’s First Democracy ee uu qoray Professor Abdi Samatar.
Waxaad ogaan doontaa in sifooyinka aynu kor ku tilmaanay iyo raggaani ay is lahaayeen.

Lasoco qaybta labaad oo ka hadli doonta hoggaanka maanta.

Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi