Garowe:- Issimo wada qorshe ay kaga hor-imanayaan doorashada Puntland

Qaar kamid ah issimada gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee Puntland oo shir ku leh magaalada Garowe ayaa wada qorshe ay kaga hor-imanayaan doorashada la qorsheeyay 8-da Janaayo 2019.

Qorshaha issimadan ayaa ah in aysan soo xuleyn xubnaha beelahooda ku matala Baarlamaanka Puntland, inta laga xoreynayo gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland, waxaana maanta galinkii dambe baaqday shir jaraa’id oo lagu shaacin lahaa arrintan, kadib markii la sheegay in laysku khilaafay.

Sidoo kale issimadan waxaa qorshaha kula jira qaar kamid ah issimada Beesha Tanade Daarood (Leelkase), kuwaas  oo sanadkii hore codsaday in dastuurka Puntland loo furo oo loo kordhiyo xubnaha ay ku leeyihiin Baarlamaanka Puntland, taas oo markii dambe suurta galiweyday.

Qorshaha issimadan ayaa ku soo aaday, xili Puntland ay u diyaar-garowday doorasho madaxtinimo oo xiligeedu ka dhiman yahay 80 maalmood, iyadoo beelaha qaar ay soo xusheen xubnaha ay ku leeyihiin Baaralmaanka Puntland.

Sida la aaminsan yahay qorshahan looga hor-imanayo doorshada Puntland ee la qorsheeyay 8-da Janaayo 2019 waxaa dabada ka riixaya Madaxweyne Gaas oo raba in uu sameysto muddo korarsi, inkastoo horey uu u sheegay in doorashadu xiligeeda dhacayso.

Qorshahan ayaa Puntland ku keeni kara qalalaase siyaasadeed, iyadoo qaar kamid ah musharaxiinta Puntland 2019 ayaa horey uga digeen Madaxweyne Gaas in uu sameysto muddo korarsi.

Baarlamaanka Puntland ayaa 15 bishii Agoosto ee sanadkan soo saaray Lifaaqa 4-aad ee dastuurka Puntland, kaas oo qeexaya qaabka ay u dhaceyso doorashada Puntland 2019.

PUNTLAND POST