Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Shacabka Marko

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Marka ayaa  la kulmay qaar kamid ah shacabka magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh/Hoose.

Madaxweyne Farmaajo ayaa meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha ku nool magaaladaasi, isaga oo ku boorriyay in ay si dhaw ula shaqeeyaan ciidanka si Gobolka Shabeellaha Hoose iyo guud ahaan dalkaba looga tirtiro Al Shabaab.

Amaanka magaalada Marko ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana amaanka sugaya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya.

Booqashadaan madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada Marko ayaa aheyd booqasho lama filaan ah.

Hoos ka daawo sawirada

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho