Musharax Xildhibaan Eng. Maxamuud Cabdinuur oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Eng. Maxamuud Cabdinuur Aadan Dalab Agaasimihii hore ee hay’adda waddooyinka Puntland (PHA-NESHA) oo hadda u tartamaya xubin ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, oo laga soo doorto degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo ah meesha dad ahaan Xildhibaanku uu ka helayo kalsoonida Nabadoonada, Waxgaradka, dhallinyarada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Soo dhaweynta Murashaxa Xildhibaanka Eng. Maxamuud , waxaa ka qayb qaar kamid ah Bulshada Gaalkacyo qaybaheeda kala duwan, waxaana markii uu Murashaxu soo gaaray halka laga soo galo magaalada uga hor tagay boqolaal dadweyne ah.

Eng. Maxamuud ayaa salaamay oo gacan qaaday dadkii bannaanka magaalada soo dhaweynta ugala hortagay, wuxuuna u jeeday khudbad kooban oo iskugu jirtay mahadcelin, waxa uu doonayo iyo waxyaabaha uu bulshada u qaban doono haddii la siiyo kalsoonida Waxgaradka, Nabadoonada iyo Isimada Degmada Burtinle iyo guud ahaan Gobolka Mudug.

Soo dhaweyn kadib Musharaxa ayaa booqday Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Cawaale Stadium ee magaalada Gaalkacyo oo Bulshada Gaalkacyo ay qaab isku tashi ah dhisme buuxa iyo qalabayn ugu samaynayaan.

Eng. Maxamuud Cabdinuur Aadan Dalab ayaa dhismaha Garoonka kubadda cagta Cawaale Stadium si horudhac ah ugu deeqay 50 kiish oo Shamiito ah, waxaana uu xusay inuu taageeradiisa bahda ciyaaraha sii wadi doono.

Eng. Maxamuud ayaa siyaasadda kusoo jiray muddo, isagoo soo noqday xubin kamid ah Golihii ugu horreeyay ee degmada Gaalkacyo, sidoo kalena 6 sano ahaa Agaasimihii hay’adda waddooyinka Puntland ( PHA-NESHA ).

 

PUNTLAND POST