Madaxweyne Gaas oo ku soo wajahan Garowe

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali maxamed Cali Gaas ayaa saacadaha soo socda ku soo wajahan magaalada Garowe ee xarunta Puntland, kadib safar uu saaka kaga soo kicitimay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweyne Gaas ayaa ka soo ambabaxay magaalada Boosaaso xilli maalin ka hor ay ciidamo ka tirsan Puntland weerareen Jeelka weyn ee magaaladaas oo ay qabsadeen ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan, waxaana ka dhacay khsaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Boosaaso waxaa ka dhacay intii Madaxweyne Gaas ku sugnaa dilal qorsheysan oo la la beegsaday askar ka tirsan ilaaladiisa iyo dad shacab ah.

Madaxweyne Gaas ayaa safarka uu Boosaaso kaga soo kicitimay ku soo hakaday magaalada Qardho oo uu joogay qadiiqado, kadib wuxuu u soo ambabaxay magaalada Garowe oo saacadaha soo socda uu soo gaari doono.

Madaxweynaha Puntland iyo inta badan xukuumadiisa ayaa ka maqnaa caasimada safar isbuucyo qaatay oo ay ku soo mareen gobolada Sanaag iyo Bari.

Warkan oo faahfaahsan dib ayaan u daabici doonaa.

PUNTLAND POST