Puntland oo Sagootisey Madixii hore Mashruuca Tayaynta Hay’adaha dawladda ee CIP

Dawladda Puntland oo hadiyad Mahadcelin ah  guddoonsiisay Madixii Mashruuca Capacity Injection ee World Bank Dr. Alex Appiah. Masuulkan oo u  wareegay Washington DC, oo ah xaruunta dhexe (HQ) ee Baanka adduunka ah.

Dawladda ayaa Dr. Alex uga mahad-celisay, wada shaqaynta, taageraadda iyo dadaalkiisii ku aadanaa hirgalinta mashruuca CIP. Dhankiisa Dr. Alex Appaiah, ayaa Dawladda Puntland aga mahadceliyeey haddiyad sharafeed-ka, wuxuuna si gaar ah ugu mahadciliyaya madaxdda Dawladda Puntland, oo ugu horeeyo, Madaxwayne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Wasiirada, iyo madaxdda kale ee Dawladda,  sida ay u garab istaageen taageero buuxdana u siiyeen hirgalinta mashaariic World Bank, qaasatan mashruuca CIP.

Mashruuca CIP oo Sadex Sano Jirsaday.

Mashruuca Tayaynta Hay’adaha Dawladda wuxuu Dawladda ka taageeraa dib-u-habaynta iyo casriyeenta shaqaada iyo shaqaalaha dawladda, taas oo Dawladda guulo waa wayn ka gaartay, gaar ahaan Sida Dib-u-eegista, iyo casriyeenta qaab dhismeedka dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda (Organizational Re-structuring & Modernization), taaso oo lagu nidaamiyay maammulka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda.

Waxaa Wasaaradaha iyo Hay’addaha loo sameeyey shaqo qeexis, iyo nidaam maammul, iyadoo dhammaan meesha laga saaray Agaasime-yaashii Guud ee tiradda badnaa, lagu-na so koobay Hay’ad iyo Wasaarad-kasta hal Agaasime Guud, sida  Wasaaradda Maaliyadda,  Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqalaha, Wasaaradda Amniga.

Waxuu kale mashruuca CIP Dawladda ka taageeray, taariikhda marka u horaysey Puntland iyo Soomaaliya oo dhan in sameeyo Tirikoob-ka Shaqaalaha Ray’idka ee Dawladda (Civil Servant Head Count), iyadoo mid mid loo tira koobay dhammaan shaqaalaha Dawladda , lana isticmaalay tagnalojidda casriga ah ee Biometric Registration & Verification (BVR), tirokobkaas oo laga sameeye dhammaan sagaalka Gobol ee Dawladda Puntland.

Dawladda Puntland waxay kale ku guulaysatay dib-u-eegista Sharciga Shaqaalaha Ra’yidd (Law lrb 5) iyo siyaasadaha ama (Civil Service Administrative Rules and Regulation) kuwaa dib u casriyeeyn ku sameeyay hab maamulka shaqada iyo shaqaalaha Dawladda, sida xuquuqda, waajibaadka, nidaamka shaqaalaynta, hawl-gabka (Pension) iyo arrimo kale.

Mashruuca CIP waxuu kale ka taageeray Dawladda aasaaska Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda (Institute of Public Administration & Management), halkaas oo lagu tababaray  shaqaale kor u dhaafaya sadax boqol (300+).  Waxay kale Dawladda u dirtay todobaatan (70) shaqaalo wax barasho Jaamacadeed (Bachelor & Masters) oo dibadda ah.

Dawladda iyadoo kaashanaysa mashruucan  waxay kale ku gulaystay inaay shaqalayso shaqaale kor u dhaafaya boqol iyo sodon (130+) oo shaqaalo ra’yid ah, iyadoo loo maray nidaamka tartanka furan, halkaa oo ay ka faa’iidayteen dhalinyaro badan oo aqoon-yahan ah oo dalka wax ku bartay. Shaqaalahan oo ka kooban Agaasime Waaxeed (Directors), Madax Qeybeed (Section Heads), Xeeldheere (Experts), iyo La’taliyayaal (Advisors) kuwaas oo Wasaaradaha, iyo Hay’adaha Dawladda  laf-dhabar u ah.

Dr. Alex Appaiah ayaa ku amaanay, hormarka ballaaran ee Dawladda Puntland ka gaartay Civil Service Reform, ee tusaalaha u noqday Soomaali inteeda kale;  wuxuuna yiri“Waxaa sharaf wayn ii ah oo aan nasiib ku leeyahay in aan qayb ka noqday horumarka balaaran aad gaarteen, waxaan inagu kula  dardaarmayaa shacab iyo Dawladba in aad dadaalkiina meesha ka sii wadaan, oo higsigiina horumarineed ilaashataan, horay-na aad u socataan, Bangiga Addunkuna idinku garab istaago dadaalkiina horumarineed.

Waxuu Dr. Alex si gaar ah ugu mahadciliyay Xafiiska Xariirka Mashruuca CIP (Project Coordination Unit); asago sheegay in team-ka xafiiskaas ay si masuuliyadd iyo xeeldheerinimo leh (responsible expertise) ay u xariiriyaan mashruuca. Horumarka la gaaray oo ka markhaati kacayo  hawl karnimadooda. Waxuu yiri “Ayagana waxaa ku baruurinayaa inay halkaa shaqadda wacan ee  ay hayaan halkeedda ka sii wadaan.”

Mashruuca CIP ee World Bank ayaa waxuu hirgilintiisa ka bilaabmay Puntland dabayaaqadiis 2015, waxuu-na so conayaa ilaa 2020. Mashruucaan oo fulintiiso ama hirgilintiiso ay waddo Dawladda Puntland, ayaa aad ugu faa’iidasatay, marka loo fiiriyo Dawladda Federal-ka iyo Somaliland oo ayaguna mashruuca dhinacooda ka fulinayo.

Dr. Alex Appaiah bilad sharaf-ka  guddoomay  xiriiriyaha mashruuca (Project Coordinator) Mudane Maxamed C/llahi Maxamed iyo team-kiisa, asago ugu mahadcilyay Dr. Alex, wadashaqaynta iyo guulaha la ma ilawaan-ka ah ee la gaaray inti wada shaqaynta ka dhexeesay.