Bosaso: Puntland oo weerartay ciidamo gadoodsan

Jeelka Bosaso

Puntland ayaa markii ugu horeysay weerartay ciidamo ka tirsan oo ka gadoodsanaa sida la sheegay mushaar la’aan, waxaana ka dhashay falkaas khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Laamaha amniga gobolka Bari oo ay gacan siinayaan ciidamada Madaxtooyada ayaa maanta galinkii dambe weerar ku qaaday ilaalada Jeelka Boosaaso oo ka gadoodsanaa mushaar la’aan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada amniga gobolka Bari oo codsaday in aan mgaaciisa la xigan ayaa PUNTLAND POST u sheegay in saaka ilaalada Jeelka Boosaaso ay gadood sameeyeen, ayna xireen taliyaashoodii, iyadoo dowladdu ay isku day-day in ay waan-waan la gasho, balse wax xal ah laga waayay, ugu dambeyna ay weerar ku qaadeen ciidamo huwan ah.

Rasaas xoogan oo ilaa caawa soo gaartay ayaa Boosaaso laga maqlayay galinkii dambe ee maanta, waxaana ugu dambeyn ciidamadii huwanta u suurta gashay in ay gacanta ku dhigeen Jeelka , iyadoo ciidamadii gadoodsanaa qaarna la qabtay, kuwana ay baxsadeen.

Khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaa inta la hubo ah hal qof oo dhimasho ah iyo mid dhaawac ah, PUNTLAND POST ayaa loo xaqiijiyay in ruuxa dhintay uu yahay maxbuus ku xirnaa Jeelka, oo markii dagaalku dhacay ay halkaas ku xirnaayeen boqolaal maxaabiis ah oo u badan Al-shabaab iyo Daacish.

Sida la rumeystan yahay in Jeelka Boosaaso la weeraro ayaa timid, kadib markii laga baqay in ilaalada Jeelka ee gadoodsan ay Ooda ka qaado maxaabiista halkaas ku xiran oo qaarkood loo heyso dambiyo argagixiso.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo magaalada Boosaaso uu ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas, oo intuu xilka hayay ay soo noq-noqdeen gadoodka ciidmado ka cabanaya mushaar la’aanta.

PUNTLAND POST