Madaxweynaha Puntland oo fariin u diray ciidamada iyo shacabka Boosaaso

Madaxweyne Gaas oo Boosaaso gaaray

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweyne Gaas oo ka soo kicitimay magaalada Badhan oo uu booqasho saddex maalin ah ku joogay, waxaa Boosaaso ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Bari, kan degmada, masuuliyiin kale iyo qaar kamid ah shacabka magaaladaas.

Madaxweynaha Puntland oo marii uu madaxtooyada Boosaaso gaaray la hadlay warbaahin ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta gobolka, wuxuuna safarkiisa ku macneeyay u guur galida xaalada magaalada Boosaaso.

Sidoo kale Madaxweye Gaas ayaa ciidamada iyo shacabka Boosaaso faray in aan loo jixin jixin ururada Al-shabaab iyo Daacish oo dilal ka geysta Boosaaso.

Cabdiwali Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona Boosaaso.

PUNTLAND POST