Jarmalka oo joojiyay mashruucii dhismaha Wadada Garowe iyo Gaalkacyo

Inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo

Dowladda Jarmalka ayaa shaacisay in ay joojisay mashruucii dayac-tirka wadada u dhexaysa magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, kadib markii ay xisaab-celin ka waday hay’adihii dowladda Puntland ee qaabilsanaa fulinta iyo hir-gelinta mashruuca.

Warbixin ay soo saartay safaaradda Jarmalka ee magaalada Nairobi, ayaa lagu sheegay in mashruuca  dayac-tirka laamiga xiriiriya Garoowe iyo Gaalkacyo, uu ka socon waayay, daahfurnaan la’aan ka timid  dhinaca hay’adda waddooyinka Puntland ee(PHA).

Mashruucan ayaa waxaa Jarmalka wakiil uga ahaa hay’adda u qaabilsan dhanka horumarinta ee(GIZ), halka hir-gelinta iyo fulinteeda loo xilsaaray hay’adda waddooyinka Puntland ee(PHA), waxaana loogu tala-gelay, dayac-tirka masaafo dhan 80km oo ka tirsan laamiga, gaar ahaanna inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo.

Sida lagu xusay warbixinta ay soo saartay safaaradda Jarmalku, mashruucan ayaa la qorsheeyay in uu bilowdo bishii April ee 2017, islamarkaana la soo geba-gabeeyo bishii May ee sannadkaan 2018, hase yeeshe qorshahaasi ma hir-gelin, kadib markii dhinaca PHA laga waayay daahfurnaan iyo xisaab-celin lagu wada-shaqeyn karo.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar