Wasaaradda Qorshaynta Puntland kulamo muhim ah la qaadatay dhiggeeda Kenya

Shaqaalaha waaxda kormeerka iyo qiimaynta ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland oo safar shaqo oo aqoon kororsi ah u jooga Dalka Kenya ayaa maanta ka qayb galay  shir heer sare ah siyaasadda Qiimaynta iyo kormeerka dalka Kenya.

Shirkaan oo qayb ka ah shirar kala duwan oo aqoon isweydaarsi ah isla markaana socon doona muddo labo wiig ah ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay siyaasadda Qorshaynta iyo Kormeerka dalka Kenya oo qabyo qoraal ah iyadoona ay kasoo qayb galeen xubno ka socdey dawladda, Ganacsatada, Bulshada rayidka ahiyo masuuliyiin ka kala socdey waddamada Soomaaliya iyo Ghana.

Masuuliyiintii iyo Shaqaalihii ka socdey Wasaaradda Qorshaynta Puntland gaar ahaan Waaxdeeda Qorshaynta iyo Kormeerka ayaa oo iyagana kasoo qayb galay shirka ayaa qorshohoodu ahaa sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen dhiggooda dalkaasi Kenya.

Dawladda Puntland ayaa xoogga saaraysa sidii loo tayayn lahaa dhammaan xarumaha dawladda iyo sidoo kale in kor loogu qaado tayada shaqaalaha ka shaqeeya xarumaha dawladda si ay bulshada u hesho adeegyo wanaagsan.