Kulan Aqoon Kororsi ah oo Wasaaradda Qorshaynta Puntland uga furmay Kenya

Kulamo socon doona muddo labo toddobaad ah oo looga golleeyahay aqoon kororsi la xiriira hannaanka  loo sameeyo kormeerka iyo qiimaynta mashaariicaha iyo guud ahaa shaqooyinka dawladda isla markaana loo qabtay Waaxda Kormeerka iyo qiimaynta ee Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland ayaa lagu qabtay Waddanka Kenya, waxaana ka soo qayb galay khuburo ka socda Madaxtooyada iyo Wasaaradda Qorshaynta.

 

Kulamadaan Aqoon kororsiga ah ayaa waxay u dhexayn doonaan waaxda kormeerka iyo qiimaynta ee Wasaaradda Qorshaynta Puntland iyo dhiggeeda Waddanka Kenya, waxaana si qoto dheer diiradda loogu saari doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa waaxda K&Q Puntland.

Muddada uu socondoono kulankaani ayaa waxaa booqashooyin rasmi ah lagu tegi doonaa 7 hay’adood oo isugu jira dawladda dhexe ee Kenya iyo heer maamul hoosaad, taas oo u jeeddadeedu tahay sidii kooxda Meteleysa Puntland ay u soo arki lahaayeen sida ay u shaqayeen dhammaan waaxyaha K&Q ee hay’adahaasi.

Aqoon Iswaydaarsigaan ayaa waxaa fududayntiisa qayb ka ahaa Wasaaradda qorshaynta Dawladda Federaalka Soomaliya iyo Mashruuca Tayaynta Hay’adaha Dowladda ee uu Baanka adduunku ka caawiyo Puntland ee CIP.