Wasiir Timacade:- “Wallaahi, billaahi, tollaahi dagaal wuu dhacayaa”

Guddiga difaaca ugu magacaaban Puntland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada  Garowe ayaa ka hadlay warar laga faafiyay iyo xaalada gobolka Sool.

Wasiirka warfaahinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa been abuur ku sheegay warar maalmihii dambe laysa dhexmarayay oo sheegaya in ciidamada Tukaraq la kala qaadayo, kadib waan-waantii  IGAD iyo Qaramada Midoobay ay ka dhexwaday Somaliland iyo Puntland.

Dhanka kale Wasiirka  aarimaha gudaha Puntlnad Cbdulaahi Cali Timacade ayaa sheegay in dowladda iyo issimada gobolka Puntland ay u sheegeen IGAD iyo Qaramada Midoobay hadii ay rabto wadahal Somaliland in ay tagaan  deegaanka Oog ee gobolka Sool, wuxuuna intaas ku daray oo yiri  “Wallaahi, billaahi, tollaahi dagaal wuxuu dhacayaa, haddii aysan Somaliland bixin”.

Hoos ka dhageyso codka Wasiiradda

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxaa isku hor-fadhiya ciidamo Puntland iyo Somaliland ah, kuwaas oo labo jeer oo hore dagaal kharaar dhexmaray, waxaana wali jirta cabsi laga qabo dagaal mar kale dhexmara.

PUNTLAND POST