Madaxweynaha Puntland oo deked cusub ka dhagax-dhagay Garacad

Xaflad si ballaaran loosoo agaasimay ayaa lagu qabtay degaanka  Garacad ee hostaga  degmadda Jarriiban ee Gobolka Mudug,taasoo lagu  dhagax-dhigay dhismaha deked Cusub oo degaankaasi laga hirgelinayo.

Munsabadda waxaa kasoo qaybgalay  madaxweynaha dowladda,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) gudoonka Golaha wakiiladda,xildhibaanno,wasiiro,xubno ka socday hay’adaha caalamiga ah,kuwa maxaliga ah,saladiinta dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali oo dhagax-dhagay dekedda cusub ayaa sheegay in dhismaha dekadaani qayb kayahay mashaariicda horumarineed ee bulshada Puntland ku dhisanayaan isku tashi & wax wada qabsi.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa  dhankiisa munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyey masuuliyiinta soo ajiibtay munasabadda dhagax dhiga dhismaha Dekedda cusub ee Garacad,waxaana uu ku dhiiriyey howlwadeenadda iyo guddiga gacanta ku haya dhismaha  dekedda in looga bahanyahay taabagelinta howlaha socda.

Dhammaan mas’uuliyiinti dowladda iyo madaxdii dhaqanka ee munaasabaddaasi ka hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka isku-tashiga ah ee lagu dhisayo dekedda cusub ee degaanka Garacad,waxaana ay bulshada ku dhiiriyeen in si fiican looga qayb qaato dhismaha dekedda.

PUNTLAND POST