Imtixaanada Dugsiyada Sare ee Soomaaliya oo maanta loo fadhiisanayo iyo Reer Baled-weyne oo aan Galeeynin

Maanta oo ku beegan 5-May ayaa waxaa Guud ahaan Ardayda Fasalka ugu dambeeysa ee dugsiga sare waxa ay u fadhiisanayaan Imtixaankii ugu dambeeyay.

Ardayda ayaa sidoo kale galaya imtixaanka Dowlada Soomaaliya oo ay qaadeeyso wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedyada ayeey si toos ah uga furmi doonaan maanta qaadista imtixaanada.

Ardayda Magaalada Baled-weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaanan maanta galeeynin imtixaankaasi.

Gudoomiyaha Waxbarashada Baledweyne Axmed Dhaqane Cali oo la hadlay Warbaahinta Gudaha Baledweyne ayaa sheegay in imtixaanku aysan u fadhiisan doonin Ardayda Baledweyne.

Goobihii waxbarashada Baledweyne ayaa waxaa saameeyn ku yeeshay fatahaada wabiga oo biyo badan ku soo rogay magaaladaasi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post