Shidaalka oo si aada kor ugu kacay Magaalada Garowe

Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland waxaa ka jiray maalmihii u danbeeyey shidaal yari aad u weyn, waxayna tani sababtay inuu si aada kor ugu kaco shidaalku.

Qaar kamida dadka ka ganacsada shidaalka oo la hadlay warbaahinta PUNTLAND POST waxay sheegeen in shidaal yarida iyo sare u kaca ku yimi shidaalka ay sii weheliso shidaal tayadiisu aad u liidato oo magaalada soo galay, waxayna sheegeen in qaar kamida kaalmaha iibiya shidaalka ay joojiyeen maadama aan la hubin tayadiisa, uuna khatar u keeni karo gawaarida isticmaasha.

Maalma kahor halkii litir oo shidaalka batroolka ah wuxuu magaalada ka maraayey 0.75$ halka uu maanta ka maraayo hal dollar, waxaana arintan cabasho xoogan ka muujiyey gaadiidleyda siiba kuwooda nolol maalmeedka ka raadiya waxayna sheegeen inaysan is bixinayn waxay ka helaanba daaye.

Gaadiidleyda ayaa sheegay in Puntland horayba shidaalka laga isticmaalo uu ahaa mid tayadiisu liidato aadna u qaali ah aysana sii xamili karin xaaladahan cusub ee soo siyaaday, waxayna ugu baaqeen ganacsatada iyo Dawladu inay arimahan wax ka qabtaan una turaan dadkooda.

PUNTLAND POST