Ciidammo la Wareegay Xeradii Imaaraadku uu ciidamada ku tababari jiray ee Jen. Gordan

Muqdisho (PP) ─ Xerada Jen. Gordan ee Muqdisho oo shalay ciidammo ka ka tirsan Dowladda Somalia ay ku dagaalameen ayaa maanta lagu arkayay ciidammo kumaandoos ah xeradaas ku sugan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada xoogga dalka lagu wareejiyay Xerada Jen. Gordan ee Dowladda Imaaraadka ay ku tababbari jireen Ciidamada Somalia.

“Ciidamada Danab oo laga keenay gobolka Shabeellada Hoose ayaa xerada lagu wareejiyay, wixii hadda ka dambeeyanaiyaga ayaa maamuli doona,” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Warbaahinta Muqdisho.

Sidoo kale, Arrintan ayaa waxay ka dambeysay markii shalay iska-hor-imaad uu ka dhacay Xeradaas, iyadoo Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay sheegeen in iska hor-imaadkaasi ay ka dambeeyeen askar rabtay inay qaataan saanad ciidan.

Fiidnimadii xalay ayaa lagu wareejiyay ciidamada Danab Xeradaas, Waxaana halkaasi lagu arkaayay gaadiidka Gaashaaman ee ciidankan ay wataan, taas oo cabsi gelisay shacabka ku nool hareeraha xeradaas.

Dhanka kale, Ciidamadii uu tababaray Imaaraadka ee xeradan joogay, ayaa noqday kuwo la xiray iyo kuwa kala cararay, kaddib dagaalkii shalay xeradaa ku dhexmaray iyaga iyo ciidammo ka tirsan kuwa millateriga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Jen. C/weli Jaamac Gorod ayaa sheegay in lasoo xiray tiro askar ah oo isku dayday inay saanad millateri kala baxaan xeradaas.

Ugu dmabeyn, Madaxda ugu sareysa dalka ayaa si weyn uga carooday falkii shalay ka dhacay xerada Jen. Gordan oo maalmo ka hor saraakiisha dowlada imaaraadka carabta ay ku wareejiyeen taliska Ciidamada Xoogga Somalia.

PUNTLAND POST