Wasiir Katirsan Xukuumada Kheyre oo is casilay

Wasiiru Dowlihii Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa ku dhawaaqay in uu Goordhow is casilay.

Lafta Gareen oo ah siyaasi ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ah siyaasi xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Lafta Gareen ayaa sheegay in uu u sharaxanyahay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Masuulkaan ayaa ku biiraya xubno wasiiro ah oo katirsan xukuumada Kheyre oo ku dhawaaqay in ay yihiin musharixiin u taagan qabashada xilka uu baneeyay Jawaari.

Waxaa xusid mudan in muran uu ka taaganyahay xubnaha wasiirada ah ee xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka isku soo sharaxaya ee haya xilalka wasaaradaha.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho