Laascaanood oo laga taageeray Musharxnimada General Moorgan

Xili shalay uu ku dhawaaqay in General Maxamed Siciid Xirsi Moorgan uu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha Puntland ayaa arintaasi waxaa taageeray qaar kamid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Shacabkan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay aad ugu farxeen markii General Moorgan uu ku dhawaaqay in uu yhay musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Puntland.

Waxa ay sheegeen in ay ka rajeeynayaan Moorgan in uu dib u soo ciliyo Gobolada iyo Magaalooyinka ka maqan Puntland haddii jagada Madaxtinimo ee Puntland uu ku guuleeysto.

Waxa ay ku eedeeyeen madaxweynaha hadda talada haya ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas in uu ku fashilmay in uu dib Puntland ugu soo ciliyo deegaanada ka maqan.

Hoos ka dhageyso codka shacabka Laascaanood.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post