Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Boqortooyada Sucuudi Carabiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dammaam ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya Shir-Madaxeedka 29-aad ee Jaamacadda Carabta oo lagu lafa gurayo qaddiyadaha ugu dambeeyay ee ka taagan Gobolka iyo guud ahaan dalalka ku bahoobay ururkan

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed Ayaa ka warbixiyay Shirka uu madaxweynuhu ka qeeybgalayo.

Hoos ka Daawo Muuqaalka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho