Wasiir Saalax Xabiib oo sheegay in Xajkii baa’ical mushtar iyo laaluush galay

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta dowladda Puntland, Saalax Xabiib Jaamac oo maanta Garoowe ku soo xiray kulan ku saabsan la-dagaallanka musuq maasuqa ayaa ku baaqay in mudnaan gaar ah la siiyo mushahar-siinta shaqaalaha kala duwan,si looga guulaysto musuq maasuqa.

Wasiirka ayaa sheegay in aan musuq maasuq laga ilaalin karin qof aan haysan xuquuq ku filan,islamarkaana loo baahan yahay in lagu dadaalo mushahar-siinta dhammaan shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala xarumaha dowliga ah iyo kuwa kaleba,si aysan u raadin laalush iyo maal xaaraan ah.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa ka hadlay lacagaha badan ee laga qaado Xujeyda Soomaaliyeed oo uu sheegay in koox gaar ah mas’uul ka tahay. Kooxdaas oo uusan magac-dhebin, ayuu ku eedeeyay in ay laaluush ku bixiso sidii loo dabooli lahaa dhibaatada ay bulshada ku hayaan.

Halkaan ka daawo Wasiirka

PUNTLAND POST