In ka badan 130 arday oo ka qalin jabisay dugsiga Ibnu Baz ee magaalada Bosaso

Bosaso-[Punland Post]-Dugsiga Hoose dhaexe ee  Ibnu Baz ayaa waxaa ka qalin jabiyey arday farabadan, kuwaasi oo bartay Quraanka Kariim ah.

Ardayda ka qalin jabisay dugsiga ayaa dhammeyd 141 arday oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.

Xaflad ballaaran oo si weyn loo Agaasimay isla markaana shahaadooyin iyo abaal marino lagu gudoon siinayey ardayda ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee hotel Sabaax Bosaso-Puntland-Soomaaliya.

Waxaa ka soo qeyb galay munaasabadda maamulka dugsiga, arday, waalidiin, culimo’udiin, mas’uuliyiin ka socotay wasaradda waxbarashada Puntland, jaamacadaha Bosaso, mu’asasada Al-Minhaaj iyo marti sharaf kale.

Xafladda ayaa isugu jirtay laba qeybood oo waxaa la abaal marinayey ardayda baratay Quraanka, halka la sagootiyey ardayda ka baxday fasalka 8-aad
Maamulaha guud ee dugsiga Ibnu Baz Feysal Xuseen Cali oo ugu horeyn ka hadlay xafladda ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey marxaladihii kale duwanaa ee uu soo maray dugsiga.

”Waxaa dugsiga waxaa la furay sanadku marka uu ahaa 2004 waxa uu soo maray maraxalado kale duwan ilaah mahadii xiligan waxa uu leeyahay faracyo kale duwan ayuu yiri maamulaha guud ee dugsiga Ibnu Baz Feysal Xuseen Cali .”

Gudoomiyaha Jaamacada Bosaso iyo Gudoomiyaha dalada waxabarashada ah ahliga ah ee Ben ee Puntland ayaa si wada jir ah u qiraya in Dugsiga ibnu Baz uu yahay dugsi aqoon fiican ay ku duugan tahaya islamarkan soo saray jiil da yar oo Aqoon fiican leh.

Gudoomiye ku xigeenka ee Al MinHaaj Seekh Ciise ayaa sheegay in dugsiga Ibnu baz uu ka mid ayahay dugsiyada ugu wanaagsan Puntland, sanad walbana uu soo saaro arday fara badan oo baraty Quraanka kariimk.

Nabadoon Cabdiqaadir Xarago oo Munasabada soo afmeeraya waxa uu sheegaya in ay mihiim tahay in lala shaqeeyo macalimiinta si aya u soo saaran ubad aqoon fiican leh .

Geba-gebadii muanasabada ayaa waxa lagu guddoon siiyey Shahaadooyin  kale duwan macallimiinta iyo maamulka dugsiga Ibnu Baz halka ay macalimiintuna ay ardayda gudoon siiyeen shahaadooyin.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso