Faahfaahinta: diyaarad lacag sidday oo Muqdisho lagu qabtay.

Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku qabtay diyaarad sidday boorsooyin lacag ah oo laga keenay dalka Imaaraadka Carabta.

Mas’uuliyiinta garoonka ayaa laga soo xigtay in diyaaraddan lacagta sidday laga shakiyay,kadibna laga dalbaday in la baaro,balse ay diideen saraakiisha Safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho.

Lacagtaan oo lagu qiyaasay in ka badan $9 malyan Dollar ayaa la sheegay in qeyb kamid ah mushahar ahaan loogu waday ciidanka badda dowladda Puntland ee PMPF,halka qaarka kalena loo siday ciidanka Imaaraadku taba-baro ee ku sugan magaalada Xamar.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa haatan wararku sheegayaan in ay la wareegtay boorsooyinkii lacagt ahaa,islamarkaana la fasaxay diyaaraddii sidday oo in mudda ah lagu hakiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net