Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Goor hore oo saaka ah sii tagay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.
Xildhibaanadaan ayaa ah Xildhibaanadii mooshinka ka soo gudbiyay Gudoomiye Jawaari.
Xildhibaanada ayaa salaadii subax ka dib qaarkood gudaha u galay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.
Fadhiga Baarlamaanka ayaa loo balansanyahay 09:00 AM ee maanta xiligaasi oo mudanayaasha ay dhamaantood soo xaadiri doonaan.
Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa looga hadlayaa ajandayaal is qilaafsan oo kala duwan.
Ajanadaha 1-aad waa Mooshinka Jawaari iyo Xiisada Baled-Xaawo oo la sheegay in iyana xubnaha qaar ay sheegeen in laga hadlayo.
lama sii saadaali karo xaalada iyo halka ay ku dambeeyndoonto waxaana xusid mudan in Gudoomiye Jawaari uu shirkaasi sharci daro ku tilmaamay.
La soco Puntland Post oo hel wararkii ugu dambeeyay
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho