Kulankii Baarlamaanka Maanta oo Fashil iyo Buuq ku dhamaaday

Waxaa guud ahaan hakad uu ku yimid kulankii mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya lagu waday in ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Shirkaasi ayaa ku dhamaaday buuq kadib markii labada dhinac ay isku eedeeyeen in midba midka kale uu joojiyay kulankaasi.

Xildhibaanada wada Mooshinka ayaa Gudoomiye Jawaari ku eedeeyay in ay kulankaasi uu isaga baajiyay kadib markii uu hub la soo galay xarunta Baarlamaanka.

Dhinaca kale xildhibaanada ka soo horjeedo mooshinkaasi ayaa Xukuumada ku eedeeyay in kulankaasi ay joojisay.

Xildhibaanada ayaa isku qilaafsanaa Ajandaha kulankaasi.

lama oga xiliga sida rasmiga ah uu dib ugu furmi doono kulankaasi Baarlamaanka .

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho