Ciidamada dowladda Puntland oo dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Ciidanka Amniga dowladda Puntland ee PSF ayaa weerar qorshaysan ku dilay 4 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay PSF.

Hawlgalkaan ayaa maanta laga fuliyay degaannada Booj iyo Dhagax-dhaabur oo hoostaga buuraleyda Calmadoow ee gobolka Bari,waxaana sidoo kale halkaasi laga saaray malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo doonayay in ay weerarro gaadmo ah ku qaadan ciidamada difaaca dowladda Puntland ee ku sugan tuulooyinka Galgala iyo Sugurre.

Qoraalka ka soo baxay PSF ayaa lagu sheegay in ciidanku ay sii wadayaan hawlgallada noocan oo kale ah,si loo xaqiijiyo amniga shacabka Puntland,islamarkaana loo soo af-jaro malayshiyaadka degaannadaas jooga ee ka tirsan Al-shabaab.

PUNTLAND POST