Faallo: PD World: Dekedda Berbera iyo Soomaaliya ma waxay la tahay inay labo kala yihiin?!

W/Q:- Axmed-Yaasiin Maxed Sooyaan

Afeef:- PUNTLAND POST marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale, qoraalkan waxa uu ka tarjumayaa Aragtida Qoraaga, waxaan kaliya oo dhiirigalinaa isdhaafsiga Aragtida.

Suldhaan Axmed Bin Saliim

Midowga Immaaradaha Carabta (MIC),  waxaan shaki ku jirin inay fulinayso adeeg loo soo dhiibay looguna danayniyo dalka Itoobiya, yaa u soo dhiibay?…jawaabtaas ma aha mid la moogyahay, hasa yeeshee Midowga Imaaradah Carabta , shaki la’aan xisaabta ka khaldantay, PD World waa shirkad ay leedahay dowladda MIC ee ma aha shirkad shakhsi gaar ah leeyahay….waa dhab marar badan baa la kala garan waayaa shirkadda shakhsiga  gaarka ah leeyahay iyo midda ay dowladdu leedahay marka laga hadlayo dalalka KHaliijka Carabta, maxaa yeelay mar waa Amiir oo maamulka dowladda ayuu xil ka hayaa, marna wuxuu leeyahay shirkad gaar ah oo uu isagu si shakhsi ah u leeyahay laakiin markii loo baahdo ama ay dan keenatana noqota shirkad dowladeed!….

Si kastaba ha ahaatee DP World siyaabaha ay u dhaqmayso waxaa ka muuqda calaammado cadaynaya inaysan ahayn shirkad gaar loo leeyahay, waliba marka aad fiiriso qaabka uu u hadlay ninka la yiraahdo Suldhaan Axmed Bin Saliim, oo isagu ah madaxa  maamulka Dubai Ports World waxaa kuu muuqanaya waxa ka dambeeya inay tahay dowladda MIC, laakiin Soomaaliya arrintan maxkamad geyn mayso maxaa yeelay mid maxkamad u baahan ma aha ee waa mid u baahan halgankii ay markii horaba Berbera ku ahayd waxa ay ahayd, waxaana taas cadayn u ah kaalinta Itoobiya!…..Kenya maxkammad baan la aadnay si khaldan, maxaa yeelay Kenya iyo Itoobiya waligoodba waxaa inoo soo adeegsan jiray dalal iyaga u balan qaaday in iyaga la siinayo Soomaaliya, ama wixii laga helo wax laga siinayo…… Itoobiyana wali kaalintii ay waligeed ciyaaraysay ayeey mantana rabtaa inay ka ciyaarto damaca waalida ah ee Midowga Immaarradaha Carabta!…..Kenya Badda Soomaaliya Norway iyo Israaiil baa u soo dirsaday waxayna rabtaa in wax laga siiyo wixii laga helo, waa dabeecadda waligeed uu ku salaysnaa khilaafka annaga iyo dalalka deriskeena ah inoo dhexeeya!…..

Dowlad Soomaaliyeed inay cagaheeda isku taagto dagaal badan baa ka sokeeya,  waxaana jira dibindaabyooyin faro badan oo ay ka tageen ama ay wali hadda wadaan niman xil siyaasadeed dalka haya, waxaana dhibaatada ugu weyn ay tahay in nimanka xilka laynoogu dhiibay aysan badankood rumaysnayn inay mas’uul yihiin u yihiin ummad, waxayna siyaasadda dalka ugu dhex jiraan inay  noqdaan Jannaalayaashii Siyaasadda!…mid kasta oo iyaga ka mid ah markaad caqligiisa iyo sida uu u fekerayo aad fiiriso waxaa ka dhaadhacsan inuusan dowlad ahayn, hammigiisana waxaa ku jira intaysan dowladii runta ahayd kugu imaan adigu iska sii shaqayso waxaad boobi karaysana sii boob!…Kaaf iyo kala dheeri!…..Siyaasiyiintii hore dhaliil kastaba ha lagu sheego dalka iyo hantida dalka shisheeye kama gadi jirin ama waji ugama samaysan jirin!….dekedda Berbera  waxaa sida laga war-qabo oggolaaday oo saxiixay  madaxweynihii hore Xasan SHiikh Max’ud iyo Axmed Max’ed  Max’ud Siilaanyo, waxayna ahayd sababta ugu weyneyd ee ay dowladda Itoobiya ugu ololeynaysay xilligii doorashada in mar labaad Xasan SHiikh Max’ud la soo doorto iyadoo ka baqaysa haddii la soo dooran waayo in dowladda kale ee la soo doorto ay heshiiskaas dhagarta ah ka hor timaado…..Waxaa isagana wax ka ogaa heshiiskaas  Max’ed Cusmaan Jawaari  Af-hayeenka Golaha SHacabka waana sababta uu mar kasta uga leex-leexanayay ilaa iyo hadana u hor taaganyahay  in mooshin laga keeno!….Waxaase intaas oo dhan ka sii daran oo waali casar ah sida CumarCabdirashiid Cali  Sharmaarke uu xubin uga yahay Aqalka Sare iyadoo la ogyahay in dowladda Midowga Immaarradaha Carabta uu u shaqeeyo?!….Sidee mudane ku yahay Cumar Cabdirashiid?….Balse  ka waran Xasan Shiikh Max’uud baa waxaa lagu abaal mariyay Xil-dhibaanimo joogta ah!…Xasan ma abaal marin buu mudnaa mase in la soo eedeeyo oo la baaro?!….Tan kale sharci ma noqon karayso in codka dad-weynaha uu ka mid noqdo waxyaabaha laysku abaal marinayo, xubinimmada baarlamanka waxaa lagu heli karaa oo keliya coda dad-weynaha mana noqon karayso abaal marain ay isku hadiyeeyaan labo mas’uul ama gole!..

Waxaa loo baahanyahay in la fahmo 4.5! dhibaato kasta oo maanta aan ka kici la’nahayna iyadaa u hooyo ah….Nidaamkaan afarta iyo barka ah waa tab laynoo helay, waxana shaki la’aan ah in la doonayo in dalka lagu hayo ilaa inta waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay ka fushanayso danaha guracan ee ay dalka ka leedahay! Danahaas haddaadan garan waa midka AMISOM loo keenay inay ilaaliso!….Danahaas haddadan garan waa mida Michael Kitting uu u joogo dalka kuna maamulayo, waana qayb muhiim ah oo shaqadiisa ka mid ah inuu dalka ku hayo nidaamkaas 4.5-ka ah waana sababtuu ugu dagaalamayay in dalku uu nidaamkaas ku jiro….marka aad fiiriso wax kasta oo khalad ama gef ah oo ummadda Soomaaliyeed laga galay ama nin Soomaali ah oo xil siyaasadeed sheeganaya ha ka galo ama Mafia shisheeye ah ha ka gasho ama dal shisheeye ah ha ka galo, intaba waxaa difaaca oo gabbood  u ah nidaamka 4.5!….Tusaale waxaa kugu filan dowladdii dhamayd ee Soomaaliyeed inaysan Muuse Biixi la hadli karin, Cabdiraxmaan Cabdishakuur sidii  loo sii daayay, maxkamaddii kuraasta iyo shaaha la soo wada dhigtay ee lagu sheekeysanayay ee habluhu u alalaasayeen….waxaas oo dhan waa nidaamka 4.5!….waana sababta keentay in  Suldhaan Axmed Bin Saliim uu yiraahdo 28 sano ayeey Somaliland xor ahayd!….ma isagaa haystay oo ay ka xorowday?!…..Ha dhowaato ama ha dheeraatee waxaan shaki ku jirin jawaab waafi inay dowladda Midowga Immaarradaha Carrabta arrintaas ka helayso.

{Iran horayba colaad inoogama dhexeyn, kaalin baana ugu bannaan arrimaha ay MIC iyo Itoobiya ka wadaan Soomaaliya!…}

Dubai Ports World waa shirkad gaar loo leeyahay hadana dowladu leedahay, taasi ulama jeedno inay dowladdu saami ku leedahay ee iyadaa iska leh, sida ay sheegayaan warar ku dhow-dhow heshiiska Somaliland iyo MIC, waxaa dowladda Itoobiya heshiiska ku marti qaaday dowladda MIC si ay u xaqiijiso ammaanka shirkadda iyo danaheeda, waana arrin macnaha ka dambeeya oo dhan si dhib yar ugu muuqda dadka Soomaaliyeed, mana aha wax cabsi gelinaya. Heshiiskan MIC iyo Itoobiya wuxuu soo socday sanadihii 2015kii, 2016kii, ilaa ugu dambayntii 2017kii markaas oo wufuud isugu jira madaxda DP World iyo MIC ay Itoobiya wada gaareen heshiis dhamays tiran oo ah in Itoobiya ay MIC ay sugto ammaankiisa taas bedelkeedana la siiyo sami gaaraya 19% lacagaha laga helo dekedda. Waxaa iyadan xusid mudan in Itoobiya ay hadda danaynayso heshiiskaan inuu siduu yahay u dhaqan galo in ka badan Midowga Immaarada ha Carabta iyo DP World, waxayna u aragtaa inuu heshiiskaan horseedi karaayo hab la mid ah habkii ay dowladda Ingiriiska  1944kii ugu wareejisay gobolka Ogaden (Hawd and Reserved Area).

DHinaca kale Itoobiya, waxay Soomaaliya u soo haliilayso waxay la tahay inay iyada gacanta ku hayso xogta Soomaaliya xaaladaheeda guud ahaan, waxayna rumaysantahay in Soommaaliya ay 4.5 u kala fadhido sidaas daraadeedna aysan jirin cudud Soomaaliyeed oo soo wajahaysa, waxaa kaloo arrin muhiima ah oo aan shaki ku jirin in ciidmmada AMISOM ay ugu yaraan qayb ahaan isku haleyniyaan, iyadoo ay taasi dheertahay askarta Soomaaliyeed ee Midowga Immaaradaha Carabta ka amar qaata ee gobollada Puntland iyo Muqdisho jooga kuwaasoo siyaabo badan looga dhaadhiciyay inay Midowga Immaaradaha Carabta ay ciidan u yihiin oo aan inta hadda la ogyahay cid kale ka amar qaadan!….Waxaana Itoobiya iyo Midowga Immaaradaha Carabta iyo DP World markay xisaabta isku celceliyeen u soo baxday inay Somaliland iyaga u dagantahay!…..waxaase muuqda inay tirooyinka qaar il-duufeen!….Waxaa iyadana suuro gal ah Itoobiya in xiisad iyada iyo Soomaaliya dhex marta xilligan ay u aragto mid wax ka tari karaysa xiisadaha siyaasadeed ee gudaheeda ka taagan!….Balse ka waran oo is weyddii maxaad ku aaminaysaa Qarrammada Midoobay, Dowladaha Maraykanka, Talyaaniga, Ingiriiska….adigu magacow, dal dhan oo xor ah baa la leeyahay waan qabsanaynaa oo ay daawanayaan oo xataa aysan ka hadlayn, kalluumaysatadii Soomaaliyeedna ee doonyaha yar-yar watayn waxay ku magacaabeen Burcad-Badeed waxayna u samaysteen xabsi gaar ah!…waa haddad rumaysantahay Maxkamadda Aduunka, waa haddii laguu sheegay dowladaa Soomaaliya saaxiib la ah!….Aawaye?!….Ingiriiska Malaayiin dollar buu sanad kasta geshaa Somaliland!….Midowga Yurub?!…  Xudduudeenii baa habeen iyo maalin waxaa iska cabiranaya Kenya walina hal qof oo mas’uul xataa indho-indheyn uma tegin!….Yaa?!…..

Ninkii Qayrkiisa loo Xiirayow Soo Qoyso Adiguna!….. Midowga Immaaradaha Carabta haddii uu ka qayb qaatay duulaan xagga cirka ah oo ay dowladda Israa’iil ka geysatay magaallada GHazah ee dalka Falasdhiin, ma kula tahay inay Somaliland ama guud ahaanba Soomaaliya ay waji u hayso?!…..Midowga Immaardaha Carabta, inta aan xasuusnahay xiriir wanaagsan baan lahayn, waxaana arrin ay Soomaaliya ku faani karayso ah inta laga war qabo inay ilaaliso xiriir-wanaagga iyo saaxiibnimada dhex marta iyaga iyo dalalka kale ee dunida, laakiin taas macnaheed ma aha sida dadka wax ma garatada ah u qaateen in Soomaaliya ay dulli qaadanayso ama ay waligeedba qaadatay, mana dhicin mana dhici doonto hadduu Alle yiraahdo!….Waxaa kaloo arrin ay Soomaaliya ku fani karayso sida ay u sharafto martideeda, taasoo waliba ah caalamad gaar ah oo ay dunida inteeda kale kaga duwantahay, waxaana Af-gooye ku yaalay beer lagu sharfay oo la siiyay Alle ha u naxariistee Shiikh Zaa’id Bin Suldhaan Aalaa- Nahyaan!…DHaqanka wanaagsan ee ummadda Soomaaliyeed leedahay wuxuu mararka qaarkood keenaa in madaxda dalalka shisheeyaha ah intooda aan xil-kas ahayn ay ku khaldamaan mudnaanta ay leedahay Soomaaliya!….

Sida  Al-SHarq ay ka soo xigatay Channel-ka France24, ee laga leeyahay dalka Faransiiska diyaardaha dagaalka ee Midowga Immaardaha Carabta waxaa ay ka qayb qaateen dullaan xagga cirka ah oo ay diyaaradaha Israel ka fuliyeen magaallada GHaza ee dalka Falasdhiin, waxaana duulaankaas ujeeddadiisu ahayd in lagu burburiyo baro ururka Islaamiga ah ee Xammaas ku leeyahay magaalladaas (warkaas oo faahfaahsan halkan riix oo ka aqri)……Midowga Immaardaha Carabta waxaa raacday Israel oo duulaan ku ah Falasdhiin, maantana waxay Itoobiya u soo wadatay Soomaaliya!…. Caqli?!…. waa mid ka mid ah dabeecadaha dhaqanka wanaagsan khilaafsan ee ay adeegsadaan qaar ka mid ah qoysaska xukuma wadammada ku hodmay ceelasha saliidda ah ee u baqaya xukunkooda!… waana hab ay ugu dhwaadaan dalalka ay uga baqayaan inay xukunkooda wax yeeleeyaan!..

 

{ Gaas Isku tashiga Puntland ma wuxuu ku macneeyay doonida ay DP World u diiday dekedda ?!}

Sida ka muuqatay hadalka ninka madaxda ka ah PD World Suldhaan Axmed Bin Saliim, waxay isaga iyo Itoobiya u soo qalab qaateen inaysan Berbera si kale uga baxayn dagaal mooyee, waa hadal cad!…waxaa kaloo muuqda in DP World ama Midowga Immaarradaha Carabta ay ku soo talo galeen dagaal ka dhan ah dowladda Soomaaliyeed isla markaasna ay bixiniyaan kharashka iyo wax kasta oo dagaalkaas looga baahdo, iyagoo sida layska wada garan karo dhinaca kalana ku talo galkoodu yahay caqli ahaan u badinaya inaysan Soomaaliya maanta dagaal taag u hayn!….laakiin waa fikrad aan meesheedii dhicin!….aqoon la’aan baa rag isku hoday!…. Haddii ku talo galku yahay Soomaaliya maanta waxba iskama celin karto, jawaabtu waxay tahay Soomaaliya waxaa jirtay mar ay intaan ka taag yarayd waligeedna lama qabsan!….Waxaana haboon dowladdu inay irridaha u furto dalal badan oo doonaya inay Soomaaliya dano badan is dhaafsadaan waxaana ugu horeysa dowladda Iran….Iran waxay diyaar u tahay si aan madmadow lahayn inay is kaashi dhan kasta ah Soomaaliya la yeelato, waxaana wali ay ummadda Soomaaliyeed xasuusantahay gacantii iyo hiilkii Iran!…..waxayna tan jawaab waafi ah u noqon kartaa duulaanka ay isu soo gaashaan buuraysteen Midowga Immaarradaha Carabta iyo Itoobiya!…

Waxaa iyadana is-weydiin mudan maamulka Puntland ee Cabdiwali Max’ed Cali Gaas sababta uu ugu dheggenyahay heshiiska DP World ay doonayso inay kula wareegto dekedda Boosaaso?! Waxaa sidoo kale is madaxweynaha Puntland wali laga sugayaa heshiiskii ay wada saxiixdeen DP World iyo Puntland!….maxaa qarsoon?!…way muuqataa saansaanta DP World iyo siyaasadddeeda ku aaddan guud ahaan dekedaha Soomaaliya….waxaan tusaale innoogu fillan doonidii u rarnayd ganacsatada reer Puntland ee  bishii la soo dhaafay ay shirkadda DP World  ka hor istaagtay inay ku soo xirato dekedda Bosaaso in kastoo ay Puntland taas beenisay hadana waxaan shaki ku jirin in arrin noocaan oo kale ah uusan DP World ka hor ka  dhici jirin dekedda Boosaaso…..sidaas si la mid ah bishii November 2017-kii muddo toddobaad ku dhow ayeey dekeddu u xirnayd khilaaf soo kala dhex galay ganacsatada Puntland iyo DP World….waxaana arrin nasiib daro ah in maamulka Puntland uu iska indho-tiro xaqiiqooyinka hor yaala oo ay ugu horeyso waxa ay DP World iyo Midowga Immaaradaha Carabta  ka wadaan dekedda Berbera in shaqaale Hindi iyo Bakistaaniyiin ah ay keensatay shaqaalihii Soomaaliyeedna ka eriday dekeddii! (Halkan riix oo ka daawo)

Heshiiska Puntland ay la gashay DP World wax kasta uu ahaan lahaaba wuxuu burburay markii ninka madaxda ka ah DP World Suldhaan Axmed Bin Saliim uu cadeeyay inuusan gobolka Somaliland u aqoonsanayn dal Soomaaliyeed, sidaas daraadeedna heshiiskaas wax ka jira ma jiraan! madaxweynaha Puntland Cabdi Max’ed Cali Gaas waxaa waajib ku ah inuu si rasmi ah u taageero go’aanka dowladda uuna cambaareeyo hadalka DP world ka soo yeeray heshiiskaasna uu si degdeg ah uga noqdo.

Reer Somaliland xil baa ka saaran Qaranimmada, Ummadnimmada, iyo Qoomiyadnimmada shacabka Soomaaliyeed, waan xil saaran qof kasta oo Soomaali ah waana waajib diini ah oo qofka ilaaliyaa uu runtii ilaaliyay midnimmadii uu Alle faray dadka muslimiinta ah!….waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay feejignaadaan si dhaqso ahna u fahmaan inaysan arrintu ahayn mid la dhayalsan karo, waxaana xil gaar ah saaranyahay dhallin-yarrada meel kasta oo ay joogaanba!….ballantuna waa Qaranimmada, Ummadnimmada, Qoomiyadnimmada iyo Midnimmada Soomaaliyeed in maalka iyo nafta loo huro!…. Suldhaan Axmed bin Saliim ha la baro Somaliland waa Soomaaliya, Berberana waa degmo Soomaaliyeed!

W/Q:- Axmed-Yaasiin Maxed Sooyaan.