Wasiirka Amniga Puntland oo sheegay in ugu yaraan 3o ka tirsan Daacish lagu dilay gobolka Bari.

Dowladda Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay duqeyn ay diyaaradaha drones-ka Marykanka ka fuliyeen gobolka Bari ee Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf(Dowlad) oo caawo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in ugu yaraan 30 ka tirsan Daacish ay ku dhinteen duqeynti Axaddii la soo dhaafay militariga Maraykanku la beegsadeen mintidiinta Daacish ee gobolka Bari.

“Annagu sidaan hadda  xaqiiqada ku haynno, waxaa weeye soddomeeyo ilaa afartameeyo,meelahaas baa ka dhintay baa la yiri oo asker ah,laakiin marka ay wax dhacaan muddo ayey qaadanaysaa in wixii saxa la helo”,ayuu yiri Dowlad.

Wasiirka ayaa tilmaamay in hoggaamiyaha Daacishta buuraleyda Bari Cabdulqaadir Muumin uu ka badbaaday weerarka,islamarkaana uu weli halkaasi ku dhuumanayo.

Isniintii shalay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo diiday in magaciisa la xigto ayaa  PUNTLAND POST u sheegay in ugu yaraan 15 xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeyntii ugu dambaysay ee Maraykanku la beegsaday Daacishta buuraleyda gobolka Bari subaxnimadii Axadda.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in duqeyntaasi jirtay,islamarkaana ay ku dhinteen qaar kamid ah argagixisada. Ilaa 15 dhiigyo-cabbe ayaa halkaas lagu khaaajiyey,sida aan xogta ku helnay“,ayuu yiri sarkaalka.

 

 PUNTLAND POST.