R/WASAARE KHAYRE: Haweenka Soomaaliyeed waa in ay Hoggaamiyaan Xoreynta Dalka

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay Munaasabad ay Haweenka Soomaaliyeed ku taageerayeen ciidamadda Qaranka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha, isla markaana ay ku muujinayeen doorkoodu ku aadan xoreynta dalka.

Khayre ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed inay hormuud u noqdaan dagaalka dalka looga xoreynta kooxaha Argagixisada, wuxuna xusay in haweenku ay yihiin bad-baadiyaha qaranka kaalin muuqatana ka soo qaateen halgankii xorriyadda iyo xiliyadii adkaa ee dalku soo maray.

“Haweenku waxay leeyihiin taariikh weyn oo dhanka halganka iyo xornimo doonkii dalka, waxaana loo baahan yahay inaad hormuud ka noqotaan xoreynta dalka, ma aqbali karno in shabaab maalin walba uu dilo dad Soomaaliyeed oo waxba galabsan, waa inaan kuligeen u istaagnaa difaaca Qaranka,” ayuu yiri Khayre oo la hadlayay haweenka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Xasan Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumadda ka go’an tahay dumarku iney door fir-fircoon ku yeeshaan siyaasadda iyo go’aamada lagu hagayo dalka.

“Go’aanka in 30% kuraasta xildhibaannada Baarlamaanka loo qoondeeyo haweenku waa tillaabo dhaxalgal ah oo loo qaaday dhanka wanaajinta doorka dumarku ugu qayb-qaadanayaan gaarista go’aamada muhiimka u ah dalka. Hadda wixii ka dambeeyana waxaan ka shaqeyn doonaa in dumarku ay helaan fursado ka badan kuwii hore,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney garab istaagaan ciidamadda, si meesha looga saaro dhibaatada ay dalka iyo dadka ku hayso argagixisadu.

Ugu dambeyn, Wasiiradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Haweenka Qaranka, Batuulo Sh. Axmed Gaballe ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin ciidamadda qalabka sida, kana qeyb qaadanayaan dagaalka lagu xoreynayo dalka.

PUNTLAND POST