Gaadiidka Ciidanka AMISOM oo lagu weeraray Qarax Is-miidaamin ah

Muqdisho (PP) ─ Qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa maanta barqadii lagu qaaday Gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo marayay Dulleedka Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga deegaanka Weydow oo ku dhow KM-13.

Gaadiidka ciidamada ayaa kusoo socday Muqdisho, waxaana la sheegay inay ka yimaadeen dhanka Afgooye, iyadoo Gaariga Qaraxu saarnaa lagu dhuftay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada AMISOM.

Baabuurka Qaraxa lagu fuliyay ayaa ahaa TOYOTA NOAH, waxaa la sheegay inuu wadayay mid ka mid ah xoogagga Al-shabaab oo beegsaday kolonyada ciidamada.

Sidoo kale, Wararku waxay sheegayaan inuu jiro khasaare, balse si rasmi ah looma oga, waxaana dad ku dhawaa halka ay sheegayaan in gaariga qaraxa fuliyay uu muddo waddada dhinaceeda ku sugnaa, isla markaana u muuqday mid sugayay gaadiidka kolonyada ah ee AMISOM, uuna gaarigu is-qarxiyay markii ay ciidamadu soo gaareen goobta.

Ururka Al-shabaab ayaa goor dhow qoraalo ay soo Internet-ka soo dhigeen ku sheegay in weerar is-qarxin ah ay la beegsaday kolonyo gaadidka ah oo ay la socdeen ciidamada AMISOM iyo kuwo Mareykan ah oo Balli-doogle ka yimid.

Dhanka kale, Idaacada Andalus ee ku hadasha afka ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in mid ka mid ah kolonyada ciidamada oo ay saarnaayeen saraakiil caddaan ah lagu dhiftay Qaraxa.

Ugu dambeyn, Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay taliska AMISOM, iyadoo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay dhowr jeer qaraxyo Baabuur iyo miinooyin dhulka la geliyay lagula eegtay Ciidamada AMISOM.

PUNTLAND POST