MAREYKANKA: Lama joogo Xilligii Ciidamada AMISOM laga saari lahaa Dalka Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Xilli Golaha Ammaanka ee QM ay bishii Ogoosto ee lasoo dhaafay isku raaceen in dhammaadka bisha December ee sanadkan laga soo saaro Soamlia 1,000 askari oo ka tirsan howl-galka AMISOM, ayaa waxaa tallaabadaas ka hor-yimid Mareykanka oo sheegay inaanay xilligaan ahayn xilligii AMISOM ay ka bixi lahaayeen Somalia, maadaama ay sii kordhayso khatarta Argagixisada ee Gobolka Geeska Afrika.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa ka digtay kororka khatarta xagjirnimo ee gobolka, haddii ay sii socoto ka bixitaanka ciidamada AMISOM, gaar ahaan Al-shabaab oo sii kordhiyay weerarada is-qarxinta, sida weerarkii 14-kii Oktoobar ee sannadkan 2017-ka, ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay ku naf-waayeen in ka badan 350-qof.

Sidoo kale, Wohlers Marion oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka oo la hadlay Wargeyska East-African, ayaa sheegay in Mareykanka aanu filayn in askar laga soo saaro Somalia bisha December ee soo socota, iyadoo Mareykanka uu diyaar la yahay inuu sii wado taageerada dhanka Tababarka, Qalabeynta, Sahayda iyo la-talinta ciidamada isugu jirta, si loo dhiso Ciidamo Somali ah, oo bedel u noqda kuwa Howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa horay u shaacisay in ka bixitaanka AMISOM ay la xiriirto Arrimo dhaqaale, kaddib markii uu Midowga Yurub jaray qaybo ka mid ah maal-gelintii uu siin jiray ciidamada AMISOM.

Dhanka kale, Qaraarka Golaha Ammaanka ee ka bixitaanka AMISOM – ayaa loo qorsheeyay in dhamaadka bisha December ee sannadkan ay baxaan illaa 1,000 askari, halka 1,000 askari oo kalena ay baxaan bisha May ee sanadka soo socda, waxaana qorshaha ka bixitaanka AMISOM uu sii taxnaan doonaa illaa sannadka 2020-ka.

Ugu dambeyn, Dalalka reer Galbeedka oo uu Mareykanka ugu horreeyo ayaa walaac xooggn ka qaba in xilligaan AMISOM ka baxaan Somalia, iyadoo Al-shabaab aan laga adkaan, isla markaana sii kordhisay weerarrada.

PUNTLAND POST