Diyaaradaha drones-ka Maraykanka oo duqeyn ka fuliyey Puntland.

Ciidanka Maraykanka ayaa sheegay in diyaaradahooda drones-ka ay saddex weerar ka fuliyeen Soomaaliya 24 saac ee la soo dhaafay,iyagoo sare u qaaday ol-olahooda ka dhanka ah mintidiinta xagjirka ah ee Al-shabaab iyo Daacish.

Af-hayeen u hadashay Taliska Ciidanka maraykanka ee Afrika ayaa caawo Wakaaladda Wararka AP u sheegtay in saddexda weerar ee ay qaadeen drones-ka ay ku dhinteen xubno ka tirsan dagaallamayaasha xagjirka,waxayn intaasi raacisay in sannadkaan 26 weerar oo dhanka cirka Maraykanku ka fuliyey Soomaaliya. Duqeymahan u dambeeyey ayaa lala kaashaday dowladda Soomaaliya,sida ay tilmaantay Af-hayeenka.

Weerarkii ugu horreeyey ayaa galabnimadii Sabtida 4:30PM ka dhacay degaanka Gaduud oo qiyaastii 250 mile koonfur galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,waxaana ku dhintay dagaallame ka tirsan Al-shabaab. Duqeyntaas ayaa timid kadib markii Al-shabaab weerareen kolonyo ciidamo Maraykan iyo Somali ah.

Af-hayeenka ayaa tiri’waxaan qiimeynay inaan halkaas wax rayid ah ka dhoweyn“,iyadoo raacisay”waxaan qaadaynaa dhammaan tallaabooyinka ku habboon si aan u hubinno inaan khasaare gaarin rayidka iyo burbur,waxaana ilaalinaynaa xeerarka dagaalka“.
weerarka labaad ee lagu beegsaday Al-shabaab,ayaa laga fuliyey gobolka Shabeellaha Hoose degaan qiyaastii 50mile galbeed uga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, subaxnimadii Axadda 3a.m.

Al-shabaab oo ah, urur xagjir ah oo dilaaya,ayaa lagu eedeeyey qaraxii weynaa ee gaariga ee Muqdisho ka dhacay bishii hore,kaasoo ay ku dhinten in ka badan 350 ruux.Weerarkaas ayaa ahaa kii ugu xumaa ee soo mara Soomaaliya iyo mid kamid ah weeraradii ugu darnaa ee caalamka ka dhacay muddo sannado ah.

Weerarka saddexaad oo lagu beegsaday Daacish,ayaa laga fuliyey Puntland subaxnimadii Axadda 9.00a.m,wuxuuna ahaa kii labaad ee Maraykanku la’ beegsado Daacishta Soomaaliya,iyadoo bilowgii bishaan kii ugu horreeyey lagu duqeeyey. Ururka Daacish ayaa labadii sano ee la soo dhaafay ka jiray Soomaaliya,waxaana tiro kamid ah dagaal-yahannadeedu ay horay uga soo goosteen Al-shabaab.

“Ciidanka maraykanku waxay sii wadi doonaan adeegsiga dhammaan tallaabooyinka loo ansixiyey iyo kuwa ku habboon si loo ilaaliyo dadka Maraykanka,islamarkaana loo curyaamiyo khatarta argagixisada”,ayey tiri Af-hayeenka.

Waxay sidoo kale sheegtay in ciidanka Maraykanku ay la shaqeynayaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo 22 kun ee AMISOM ka socda,iyagoo“beegsanaya argagixisada,iyo xeryahooda taba-barrada si nabad looga dhigo Soomaaliya,gobolka iyo guud ahaan caalamka”.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar