Dowladda Uganda oo sheegtay in Ciidamo ka madax-banaan AMISOM ay u dirayso Somalia

Kampala (PP) ─  Warbixin uu baahiyay taliska millateriga Uganda, ayaa lagu taageeray hawl-galka Somalia looga dul-qaadayo Al-shabaab, kaasoo ay dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xukuumadda Uganda ayaa sheegtay in Somalia ay ka taageerayso hawl-galka ka dhanka ah Al-shabaab, isla markaana ay ku caawin doonto wax kasta oo lagu helayo nabadda iyo deggenaanshaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowaldda Uganda ayaa xustay inay  Somalia u dirayso ciidamo gaaraya 5,000 oo askari, kuwaaasoo ka madax-bannaan hawlgalka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Somalia.

DOwladda Uganda waxay warbixinteeda ku sheegtay in cidiamadan ay yihiin kuwo gaar ah oo ay ugu talo-gashay inay ka qayb-qaatana hawlgalka lagula dagaalamayo Al-shabaab ee dhawaan ka billaaban doona Somalia oo dhan.

Afhayeenka millateriga Uganda, Brig. Richard Karemire oo la hadlay Xinhua ayaa sheegay in Xukuumadda Uganda oo matalaysa dalalka Pan-Africans-ka ay diyaar u tahay inay ciidammo u dirto Soomaaliya.

“Waxaan mar walbo diyaar u nahay inaan tiro kasto oo ciidammo ah aanu u dirno Somalia, Xukuumadda Uganda iyo Pan-Africans – Waxaannu u baahan nahay xooggaa taageero ahm” ayuu yiri Brig. Karemire.

Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxda Uganda ay ka dhawaajiyeen maalin ka hor in ciidamada ugu horreeya ee AMISOM ee dalka Somalia ka bixi doona ay noqon doonaan kuweeda.

PUNTLAND POST