Dhowr ka tirsan Al-shabaab oo ku dhintay duqayn Maraykanku ka fuliyey Soomaaliya.

Militariga Maraykanka ayaa sheegay in dhowr ka tirsan Al-shabaab lagu dilay weerar ay diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen Somaliya,iyadoo maamulka madaxweyne Trump uu siyaadiyey beegsiga mintidiinta xagjirka ah ee gobolka.

Weerarka ayaa laga fuliyey degaan ku yaalla gobolka Baay oo qiyaastii 160KM galbeed uga beegan caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu,mana jiro khasaare soo gaaray dadka rayidka ah,sida lagu xusay qoraal uu soo saaray Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika.

In ka badan 20 weerar ayaa diyaaradaha Maraykanka ee drones-ka sannadkaan ka fuliyeen Soomaaliya,kuwaasoo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish,kadib markii madaxweyne Trump kordhiyey hawlgalka ka dhanka ah mintidiinta,sida laga soo xigtay Waaxda Dicaafa Maraykanka ee Pentagon.

Bishii hore, qarax weyn oo gaari loo adeegsaday ayaa caasimadda Soomaaliya Mogadishu ku dilay ugu yaraan 358 ruux,kaasoo lagu tilmaamay weerarkii ugu xumaa ee soo maray Taariikhda Soomaaliya,waxaana lagu eedeeyay ururka Al-shabaab.

Al-shabaab ma sheegan qaraxaas oo ay ka dhalatay masiibo ballaaran,laakiin laba todobaad kadib weerar kale oo lagu qaaday hoteel ku yaalla Mogadishu oo ay ku dhinteen ku dhowaad 30 qof,tiro kalena ku dhaacantay,ayaa Al-shabaab durbadiiba sheegatay.

PUNTLAND POST