KHAYRE: Waa inaan si wadajir ah ula dirirno Al-shabaab Waayo waxaa khatar weyn ku…

Muqdisho (PP) ─ Ra’isul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre oo hadal ka jeediyay shirka Wada-tashiga ee Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa maamul-goboleedyada ee Muqdisho ka socda ayaa sheegay inuu si aad ah u soo dhaweynayo fikirka ah in bilaha soo socda guud ahaan dalka laga saaro Al-shabaab.

Kheyre ayaa xusay in Al-shabaab oo la iska xoreeyo ay tahay mid dani ay ugu jirto dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa weli ku nool deegaanada ay kooxdan gacanta ku hayso.

Sidoo kale, RW Kheyre ayaa xusay maadama maamulada dalka ka jiraahi ay soo dhaweynayaan in Al-shabaab laga xoreeyo dalka in looga baahan yahay inay gacamaha is-qabsadaan, dhankiisana uu ka shaqeynaayo sida aysan ku sii jiri lahan kooxda Al-shabaab.

”Waxaan ballan-qaadayaa inaan dhabarka ka jabin doono Al-shabaab, kuwa la qalday ee aan dhalnay waxaan ugu baaqeynaa ka faa’iideysiga fursadaha hor-yaalla oo ay uga soo bixi lahaayeen kooxdan,” ayuu yiri Khayre.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray in Xukuumadda ay ka go’an tahay in ay la shaqeyso xubnaha kale ee wasiirada ah ee ka tirsan maamullada dalka ka jira si loo dhameystiro hawl-gallada waddanka looga xoreynayo cadowga Al-shabaab.

”Dhambaalka aan dirayo ma ahan mid qarsoon, waxaanan xaqiijinayaa in dowladda iyo Al-shabaab aysan wada joogi karin dalkaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Ra’iisul Wawsaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Mudane Kheyre ayaa xusay in hadafka ugu weyn ee shirka uu yahay in laga wada qayb-qaato sidii Waddankaan looga sifeyn lahaa Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab, sidaa awgeed ay ka faa’iideysanayaan fursada is-aragga madaxda.

”Qof waliba oo Soomaaliyeed ha ogaado waxaa khatar ku jirta jiritaankeenii, maadaama ay dalka noo joogaan cadow shaqadoodu tahay inay cirib-tiraan Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu mar kale khudbadiisa ku yiri.

Ugu dambeyn, Goodinta RW Khayre u diray Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa u muuqata mid hordhac u ah dagaal ay Dowladda Federaalka Sooaaliya ku dhawaaqday dhawaan inay la galayso Al-shabaab.

PUNTLAND POST