Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyay furitaankii Shirkii Wada-tashiga ee xalay Muqdisho ku dhex-maray Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, wuxuuna si gaar ah uga hadlay marxaladda uu dalku ku sugan yahay.
Farmaajo ayaa sheegay in madaxda kasoo qayb-galay shirka ay waajib ku tahay inay ka shaqeeyaan midnimada iyo soo celinta rajada shacabka, si buu yiri dalku uu horumarka la tiigsanayo u gaaro.
Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in Wada-shaqeyn dhex-marta Dowladda Federaalka Somalia iyo maamul goboleedyada ay horseedi karto in la iska dhiciyo Al-shabaab oo uu sheegay inay cadow ku yihiin dadka iyo dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka aanay ogeyn in dalka dagaal ku jiro, isla markaana uu muddo toban sano uu dagaal ku jiray. Isagoo yiri. “Aniga dagaal waa iclaamiyay, laakiin 10 sano ka badan ayuu dalkaan dagaal ku jira, dad badan aanay ogeyn in dalka uu dagaal ku jiro.”
Haddaba, DAAWO Khudbadii Madaxweynuhu uu ka jeediyay Shirka Muqdisho;
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay waaajib ku tahay madaxda qaranka ee shirkan ka soo qayb galay in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo soo celinta rajada shacabka Soomaaliyeed.
Posted by Villa Somalia on Monday, October 30, 2017
PUNTLAND POST