Shirka Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda oo Maalinkii Labaad Galaya

Waxaa maalinkii labaad galaya shirka u dhexeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda dalka ka jira.

Shirkaan furitaankii waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxaned Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed.

Qodobadda shirka ilaa haatan loogu hadlay ayaa waxaa kamid ah sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyadda dalka ka jira.

Sidoo Kale Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda ayaa faah-faahin ka bixiyay sababtii ay u yeesheen shirkii ka dhacay Magaaladda Kismaayo ee lagu sameeyay Golaha iskaashiga Dowladda goboleedyadda.

Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada ayaa ku eedeeyay  Dowladda Dhexe in aysan wax la tashiyo ah kala sameyn Arrimaha Siyaasadda,waxaana sidoo kale ay dhaliileen door ay sheegeen in Dowladda dhexe ay ka qaadatay Maamul Gobolleedyada qaar oo Khilaaf uu hareeyay.

Shirka ayaa lagu wadaa in berri la soo gaba gabeeyo islamarkaana dhimacyada Shirsan ay soo saaraan War-murtiyeed ay ku heshiiyeen.

PUNTLAND POST